Maxaad Ka Taqaanaa Ganacsiga SaaS?

  • February 6, 2025
  • Comment 2

Maxaad Ka Taqaanaa Ganacsiga SaaS?

SaaS waa nooc ka mid ah ganacsiga, kaasoo dhowrkii sano ee u danbeesay aad u faafayay.

“SaaS” waxay u taagan tahay “Software as a Service”, waa nooc ganacsiga ka mid ah, kaasoo ku salaysan rukumasho (subscription).

Waana in ay shirkaduhu softwares-rooda iyo applications-yadooda qaab adeeg ahaan u bixiyaan.

Si Kooban, Sida Uu U Shaqeeyo SaaS? 

  • Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa internet-ka ayuu keenayaa
  • Adeegsadaha: Browser-kiisa ayuu ka siticmaali karaa software-ka
  • Adeeg-bixiyaha: Si fudud buu software-kiisa u update garayn karaa
  • Adeegsadaha: Durbadiiba update-kii cusbaa wuu arki karaa
  • Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa wuxuu ku kaydinayaa “CLoud-ka”, taas oo ka dhigaysa in uu had iyo jeer diyaar ahaado.
  • Adeegsadaha: Wuxuu si joogto ah u heli karaa Software-ka, inta uu helayo internet.
  • Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa wuxuu u bixinayaa qaab adeeg ah.
  • Adeegsadaha: Waxaa Software-ka u helayaa qaab adeeg ah.
  • Adeeg-bixiyaha: Software-kiisa wuxuu ka dhigayaa mid subscription ah, oo la rukumto.
  • Adeegsadaha: Waxaa Software-ka u rukumnaan karaa si bille ah, ama 3-dii bilooadba mar, ama sanadle.

Si Kooban, Faa’iidooyinka SaaS

  • Kharash Yarida: Maadaama software-ka la rukumnaanayo, adeegsadayaashu ama macamiishu uma baahna inay software-ka maalgaliyaan, kharashaadkana waxaa loo bixinayaa si bille ama sanadle ah, taasoo ka dhigaysa kharashaadka bilawga hore mid yar.
  • Is-ballaadhinta: Ganacsigan ayaa si aad ugu fiican, una nugul is-ballaadhinta, iyadoo kaliya la kordhinayo tirada ama xaddiga.
  • Saadaasha: Ganacsigan ayaa ah ganacsi si saxnimada u dhaw, oo qoto-dheer leh mustaqbalkiisa loo saadaalin karo, maadaama ay tirooyinku “Real Time” yihiin.
  • Cusboonaysiinta: Software-ka SaaS-ka ah, hadii wax cilad ah lagu arko, si degdeg ah baa loo update-garyn karaa, iyadoo update-kaas durbadiiba la arki karo, halka Software-rada caadiga ah hadii cilad lagu arko, loona baahdao in la update gareeyo, aan durbadiiba la arkayn update-kaas, ilaa dib loo soo dagsado update-ka cusub, lana install gareeyo.

Si Kooban, Tusaalooyinka Ugu Caansan SaaS

Tusaalooyinkan aynu xusi doono, waa kuwo laga caansan yahay, hasa yeeshee soomaali ahaan waa kuwa noogu caansan, ee aynu adeegsano.

  • Google Workspace (Gmail, Google Docs, Google Drive)
  • Microsoft 365 (Word, Excel, Outlook)
  • Canva
  • Zoom
  • Shopify
  • Dropbox

FG: Word, Excel, aan xusay, waa kuwa browser-ka laga isticmaalo, ma ahan kuwa laptop-yadeena ku jira.

Gabagabadii

Ganacsiga SaaS waa hanaan ganacsi oo aad ugu habboon shirkadaha doonaya inay bixiyaan software-ro ay isticmaalayaashu si fudud u heli karaan, iyadoo la adeegsanayo “Cloud-ka”.

Waa hab fudud, oo wax tar u leh cid kasta oo rabta inay Software-kooda qaab adeeg ahaan u bixiyaan, loona rukunto.

Maxay kula tahay akhriste?. Sideedna u aragtaa ganacsigan?

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×