Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?
Moha25
0 Comments
July 27, 2023
Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?
Wakhtiga iyo waayuhuba waa ay is bedeleen, waxaana aad u soo kordhay tirada dadka raba inay dhaqaala ahaan madax-bannaanaadaan, internetkuna waxa uu kaalin weyn ka qaatay fududaynta ka midho-dhalinta yoolkan, maadaama ganacsiga e-commerce-ga ahi uu yahay mid ka mid ah mashaariicda sumcadda iyo soo dhaweynta weyn helay.
Si kastaba ha ahaatee, way adkaan kartaa in aad ogaato sida loo bilaabo ganacsi e-commerce ah oo dhab ah oo guuleysta, kaas oo kuu keenaya faa’iidada aad rabto.
Hordhac Yar Oo Ku Saabsan “Ganacsiga E-Commerce-Ga Ah”
Waxaase xusid mudan in fikradda ganacsiga e-commerce-ga ahi ay tahay mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee internetka lacag looga sameeyo, fikradda ayaa ku salaysan iibinta badeecad/adeeg adigoo adeegsanaya internet-ka.
Badeecadduna waxay noqon kartaa mid la taaban karo (sida qalin, buug, dhar, iwm) iyo mid aan taaban karin (sida buugaagta digital-ka ah, kooroosyinka online-ka ah, iwm), waxaana suurtogal ah in la iibiyo adeegyo bedelkii la iibin lahaa badeecad.
Sidoo kale arinka ugu weyn uguna faa’iidada badan ee uu leeyahay ganacsigani waxaa ka mid ah, inaad iibin karto badeecad aanad adigu marka hore lahayn, intaa kaliya ma ahee, xittaa aanad ku khasbanayn inaad marka hore alaabta soo gadato.
Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?
Marka su’aashan lagu weydiiyo, arrimahan soo socda ayay u badan tahay inay maskaxdaada ku soo dhacaan:
Naqshadaynta iyo dhisidda website cajiib ah.
Adeegga macmiisha oo ah mid heer-sare ah.
Sawirda badeecadaha oo tayo ahaan qurux badan.
Dalbashada iyo soo waarididda badeecad.
Dabcan waxa aad ku fekereyso shaki la’aan waa run, waa inaad bixisaa adeeg heer-sare ah si aad u guulaysato, sidoo kale waa inaad yeelataa website soo jiidasho leh oo la isku halayn karo, si aad macaamiisheeda u dareensiiso kalsooni iyo aaminaad una dhammaystiraan wax iibsigooda.
Hasa yeeshee, waa inaad tixgelisaa waxa si dhab ahaan u dammaanad qaadaya guusha ganacsigan e-commerce ah, waana isdhexgalka dhammaan arrimahan oo dhan.
Bixinta habab lacag bixineed (payment gateway) oo badan
Dhisidda website bilic ahaan qurux badan
Fududaynta adeega gaarsiinta (delivery)
Bixinta adeegga heer-sare ah
Cadaynta siyaasadda lacag soo celinta iyo wax kala bedelashada (Return & Refund Policy)
Isku soo wada duub, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.
Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan:Â +252-90-5582875Â Ama WhatsApp Link-Gan:Â https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link:Â https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.
Leave a Comment