Premier Payment Gateway – PPG: Fududeynaya Ganacsiga Online-ka

  • July 24, 2024
  • Comment 7

Premier Payment Gateway – PPG: Fududeynaya Ganacsiga Online-ka

Premier Bank ayaa soo bandhigay adeeg cusub oo la yiraahdo “Premier Payment Gateway“, kaas oo ganacsiyada Soomaaliyeed u suurtogelinaya inay badeecadooda ama adeegyadooda ku iibiyaan internetka, isla markaana gaaraan macaamiil caalami ah.

Premier Payment Gateway wuxuu ganacsatada siinayaa fursad ay agabkooda iyo adeeggooda ku gaarsiiyaan macaamiisha dhow iyo kuwa fogba, taas oo u suurta gelinaysa inay dakhli ballaaran ka sameeyaan ganacsigooda.

Adeeggan oo ay taageerayso “Mastercard Payment Gateway Services (MPGS)” wuxuu fududeynayaa in ganacsatadu ay kasbadaan macaamiil kala jooga daafaha dunidoo dhan, iyadoo la adeegsanayo kaararka bangiyada sida Mastercard iyo Visa.

Adeeggan wuxuu ganacsiyada maxalliga ah siinayaa fursad ay ku heli karaan lacagaha qalaad sida Euro, Dollar iyo Giniga Istarliinka Ah.

Adeeggan “PPG” wuxuu ganacsiyada dalka uga saaro mugdiga ka jira ganacsiga online-ka, isagoo u sahlaya sidii ay ku heli lahaayeen macmiil meel ka fog goobta ganacsiga.

Sidoo kale, wuxuu ganacsiyada dalka u fududeynayaa inay gaaraan meel ka fog xudduudahooda, iyadoo sidoo kalena sare loo qaadayo dakhliga dhaqaale ee dijitaalka ah.

Iskaashigan u dhaxeeya Premier Bank iyo shirkadda Mastercard ayaa imaanaya xilli baahida loo qabo ganacsiga online-ka ay sii kordhayso, gaar ahaan saameyntii xanuunkii safmarka ee Covid-19 kadib.

Sannadka 2020, ganacsiga online-ka ayaa kor u dhaafay $4.29 trillion oo dollar, taas oo muujinaysa kobac dhan 24.1% marka loo eego sanadkii ka horreeyay.

Dr. Maxamed Geedi Jumcaale, guddoomiyaha Premier Bank, ayaa sheegay in adeeggan uu qayb ka yahay qorshaha istiraatiijiyadeed ee bangiga oo hiigsanaya in la yagleelo suuq dhaqaale oo caalami ah marka la gaaro sanadka 2030.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×