3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh

3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh
  • November 26, 2022
  • Comment 13

3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh

3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh

Wax soo saarku waa sifo aad muhiim u ah. Yaan rabin in wax badan uu qabto maalintii? Oo yaa naga mid ah oo aan rabin in uu noqdo mid wax soo saar badan leh; Haddaba aan eegno waxa ay tahay wax soo saarku iyo sida aad u noqon lahayd mid wax soo saar badan leh.

Ugu horrayn waa inaan fahamnaa waxa laga wado wax soo saarka, dadka badankoodu waxay u maleeyaan in ay tahay qofka mar walba mashquulsan. Mashquulku waxay la macno tahay in aad qabanayso waxyaabo badan, halka marka aad tahay qof wax soo saar leh ay macnaheedu tahay in aad leedahay mudnaan cad; Ma noqon kartid qof wax soo saar leh haddii aanad kala saari karin waxyaabaha muhiimka ah iyo kuwa aan muhiimka ahayn; Xaaladdan oo kale, waxaad wakhtigaaga ku lumin doontaa qabashada hawlaha aan muhiimka ahayn, oo xittaa hadii aad dhamaystiro wali aanad gaadhayn heerka wax soo saarka, kaliya aad dareemi doonto wanaag kaasoo ay ugu wacan tahay dhammaystirka hawsha, laakiin tani macnaheedu maaha inaad tahay qof wax soo saar leh.

Qeexida wax soo saarku waa: “inaad natiijooyinka aad rabto ku hesho waqti iyo dadaal yar.”

3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh

1. deji hawlaha mudnaanta leh.

Hadafkaagu waa inuu cad yahay si aad u noqoto mid wax soo saar badan leh Adeegso xeeladan Eisenhower Matrix ee uu sameeyay madaxweynihii hore ee maraykanka Dwight D. Eisenhower. Qor liiska hawlaha lagaa rabo inaad qabato, kadibna u kala saar oo u habayso siday u kala horeeyaan, iyo siday u kala muhiimsan yihiin, iyo inay degdeg yihiin iyo kaleba, ka dib u fiirso oo qabo hawlaha ugu muhiimsan ee degdega ah, Tani waxaa hubaal ah in ay kordhin doontaa wax soo saarkaaga.

Sii Daalaco: Sideed U Kala Saari Lahayd Hawlaha Degdega Ah Iyo Hawlaha Muhiimka Ah?

Inteenna badani waxaan wakhti badan ku bixinaa qabashada hawlo aan muhiim ahayn; Inta badan hawlahani way sahlan yihiin qabashadoodu, waxayna naga dhigaan kuwo mashquulsan, oo aan wax soo saar badan lahayn. Wax soo saarkaagu wuxuu ka bilaabmaa qabashada hawlahaaga ugu muhiimsan. Hawlahani inta badan waa kuwo aad u adag oo u baahan dadaal iyo wakhti dheeri ah, se haddii aad rabto inaad noqoto mid wax soo saar badan leh, waa inaad maalintaada ku bilaabataa qabashada hawlahaaga ugu muhiimsan.

2. Ku xidh wax aad jeceshahay hawsha aad rabto inaad qabato

Dooro dhaqanka aad jeceshahay oo ku xidho hawlo la xidhiidha wax soo saarkaaga. Tusaale ahaan, hadii aad rabto inaad wax qorto ama wax akhrido, waxaad la xidhiidhin kartaa wax aad jeceshahay, sida cabidda kafeega subixii, taas oo kaa dhigaysa inaad qabato hawsha adiga oo ku raaxaysanaya kafeega.

3. U deji yoolal gaar ah maalintaada

Samaynta liis gaar ah oo ah yoolalka iyo hawlaha ugu muhiimsan ee maalintaada – laga bilaabo bilawga – waxay kaa dhigaysaa mid wax soo saar badan leh. Waxa kale oo ay kaa caawinaysaa in aad diirada saarto hawlahaaga ugu muhiimsan, iyo in aad yarayso waxyaabaha mashquuliya maalinta oo dhan.

Ugu Danbayntii

Had iyo jeer xasuusnoow si aad u noqoto mid wax soo saar badan, waa in ay jiraan nidaam noloshaada ah, sida: saacado cayiman oo aad shaqeyso, saacado aad wax cunto oo aad nasato. iyo meel ku habboon wax-qabadka ama shaqada. iyo arrimo kale oo saameyn kara diiraddaada.

Sidaa darteed, ilaali saddexdan, kuwaas oo kala ah hurdada, cuntada caafimaadka leh, iyo jimicsig. Dad badan ayaa qaba in qofka ugu wax soo saarka badan ama ugu waxtarka badan uu yahay qofka hurdada yar seexda habeenkii, laakiin tani waa argti khaldan.

Daraasado la sameeyay ayaa muujiyay in hurdada 7 ilaa 9 saacadood habeenkii ay kaa caawineyso inaad kordhiso feejignaanta iyo caafimaadkaaga. Helidda hurdo kugu filan habeenkii, waxay kaa dhigi doontaa mid firfircoon oo wax soo saar badan leh.

Sii Daalaco: 5 Hab-Raac Oo Aad Uga Faa’iidaysan Karto Wakhtigaaga

Sidoo Kale: Sidee u Samaystaa Caado fiican | ATOMIC HABITS

13 Comments

  1. Cabdixakiin maxamad

    Ustaad waad ku mahad santy aqoon soojedinta aad noo soojeedisay dhalin yar ahaan
    Ustaad blogga malagu soo gudbinkaraa sheekiyin ookale

    1. Ayaan Abdirashiid

      Ustaad waxan Rabay inana ka hadlo before waxan aminsana inan qofkan waxaso sarka sameyey uu yahay qof habeno badan dharfay lkn imnka ma aminsani taas mineheedu ma noqon Kartaa dad an wax juhdi ah an samey ayaaya waxa soo sari samen kara

  2. Ayaan Abdirashiid

    Ustaad waxan Rabay inana ka hadlo before waxan aminsana inan qofkan waxaso sarka sameyey uu yahay qof habeno badan dharfay lkn imnka ma aminsani taas mineheedu ma noqon Kartaa dad an wax juhdi ah an samey ayaaya waxa soo sari samen kara

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×