Real-world asset tokenization

  • November 30, 2024
  • Comment 4

Real-world tokenization ama asset tokenization si gaaban waa hannaan cusub oo hantida aad leedahay lahaanshiyaheeda laguugu diwaangalinayo Blockchain-ka.

Asset tokenization kaliya awood uma lahaan doonto beddelidda hannaanka diwaangalinta hantida ee hadda la adeegsado sida copyright-ka balse waxay fududayn doontaa kala qaybsiga hanti kali ah sida in hal dabaq qol walba cid ay gaar u lahaato.

Hannaankan dardar xoog ah uma leh sidii NFT-gii 2021ka waxq uuna joogaa xilligiisii curdinnimada oo wali korriin ayuu ku jiraa balse dadka maalgashadayaasha ah ayaa saadaalinaya in hannaankan uu baddeli doono habka waxyaabaha la taaban karo iyo kuwa aan la taaban karin loo kala gato.

Hannaankan waxaa suuro gal ah in lagu diwaangaliyo lahaanshaha dhawr waxyaabo:-

  • Hantida guryaha
  • Badeecadaha sida salliidda, wax soosaarka beeraha iyo dahabka
  • Farshaxanka noocyadiisa kala duwan
  • Caymiska
  • Waxyaabaha qaaliga ah sida saacadaha iyo gawaashida
  • Khayraadka dabiiciga ah sida qodidda macdanta
  • Gaadiidka sida maraakiibta iyo diyaaradaha
  • Agabka caafimaadka sida mashiinnada caafimaadka
  • Agabka is-gaadhaiinta

Hantida waxaa lagu tokenise-gareeyaa, hab qofka hantida leh loogu dhiibayo hantidiisa isla markaana loola socon doono qiimaha hantida hadba inta ay joogto si la mid ah uun Sida Exchange traded funds ama ETF-yadii aan ka soo hadalnay.

Hantida la taaban karo ayaa si aad ah loo tokenize-gareynayaa, taasi kama dhigno in uu dhibaato ama cillado uu lahayn.

Hoos waxaan ku eegi doonna faa’idooyinka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay asset tokenization.

Faa’idooyinka assert tokenization-ka
  1. Si fudud ayaa hanti keli ah loogu qaybin karaa dhawr qof.
  2. Si fudud ayaa loo heli karaa sharciga ama lahaanshaha hantida maadaama si fudud loo qaybin karo.
  3. Waxaa fududaanaya kala iibsiga iyo wareejinta hantida.
  4. Jabnaanshaha khidmadda hanti wareejinta
  5. Cadcaddaan dheeri ah maadaama Blockchain-ka qof walba hantida la Kala wareejistay uu arki karo.
  6. Si ka degdeg badan sidii qadiimiga ahayd oo hantida loo kala wareejisto.
Dhibaatooyinka asset tokenization-ka.
  1. Sharci la’aan weli dawladuhu aynan u aqoonsan hannaan sharciyaysan.
  2. Adkaansho uu leeyahay hannaankan ayaa la dhigi kara hannaankan mid aan u hirgelin adeegsadayaal badan.
  3. Dhaqaaq badan oo uu yeelan doono qiimaha alaabta la tokenise-gareeyay taas oo qasaare u horseedi karta maalgashadayaasha.
  4. La socodka qiimaha alaabaha qaar ayaa adkaan doona sida alaabaha guryaha la dhigto ee qurux ahaan ama xasuus ahaan loo dhigto.
  5. Cashuur bixinta oo adkaata

Gunaanadkii hannaankan waa mid ku soo badanaya adduunka welina ugub ah, wax walbana faa’idooyin iyo dhibaatooyin waa leeyahay taasi kama dhigayso inuu guulaysan doono ama guuldarraysan doono, balse laba gooraadba waxaa taas ina tusi doona waqtiga.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×