Remote Work: Fursadaha iyo Caqabadaha Ka Jira
Remote Work, waa hanaan shaqo cusub, oo aad waayihii danbe u soo caanbaxay, kadib faafitaanka cudurkii COVID-19.
Remote Work: wuxuu suuragaliyay in la wada-shaqeeyo iyadoon lagu khasbanaan in si fool ka fool ah loo kulmo.
Fikraddan “Remote Work” ayaa ah fikrad ku salaysan in la wada-shaqeeyo, iyadoon lagu khasbanayn in la kulmo, iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyadda noocyadeeda kala duwan.
Runtii fikradan waxay leedahay fursado iyo faa’idooyin kala duwan, oo ay u leedahay shaqaalayaasha iyo loo-shaqeeyayaashaba, waxaana ka mid ah:
Faa’idooyinka Remote Work
1. Flexibility:
Remote Work waxay shaqaalayaasha u ogolaanaysaa inay iyagu si is ah u go’aansadaan wakhtiga ay shaqayn lahaayeen, iyo goobta ay ka shaqayn lahaayeen, iyadoon shaqada la dhaafinayn deadline-keeda, ama wakhtiga kama-danbaysta ah.
Tani waxay shaqaalayaasha u tahay fursad weyn, oo ay ku maareeyaan, isuguna dheelitiraan shaqadooda iyo nololmaalmeedkooda kale.
2. Fursadaha Shaqo:
Remote Work: waxay sidoo kale shaqaalayaasha iskood-u-shaqaysata u tahay fursad weyn, oo ay ku helaan shaqooyin iyo mashaariicyo kala duwan, iyagoo ka helaya goobo aan ahayn goobihii ay ku sugnaayeen, sida shirkado kale, gobolo kale, ama xitaa wadamo kale.
3. Kharash Yarida:
Remote Work ayaa sidoo kale hoos-u-dhinta kharashyadii faraha badnaa ee ku bixi jiray goobaha shaqada, iyadoo meesha ka saarta baahidii faraha badnayd ee loo qabay kiraynta goob xafiis shaqeed, iyo sidoo kale kharashyadii la xihdiihday safarka iyo sahaminta shaqo, taasoo faaido weyn u ah shikradihii iyo shaqaalayaashiiba.
4. Helidda Xirfadayaal Xirfad Leh:
Remote Work waxay shirkadaha ka caawisaa inay helaan oo ay soo xushaan shaqaalayaal ama xirfadayaal xirfad sare, ama talenti sare u leh shaqadooda, oo jooga daafaha dunida oo dhan, oo laga yaabo inay ku adkaan lahayd inay isla shaqaalahas ka helaan isla dalka ay joogaan.
Caqabadaha Remote Work
Inkastoo aynu xusnay faa’idooyin aad u wacan, hadana waxaa jira caqabao, si la mid ah ugu badnaan wax walba, oo leh faa’ido iyo caqabado ama khasaaro.
1. Is-faham-waaga:
Is-faham-waaga ama is-faham-la’aanta waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waa-weyn ee haysata Remote Workers-yada, maadaama ay dadku kala dhaqan iyo kala faham duwan yihiin, sidoo kalena aysan jirin kulan si fool ka fool ah is-fahamkii wuu adkaanaya.
Waxaana caqabad weyn ah sidii sida ugu wanaagsan loo wadaagi lahaa fikradaha ama loo wadaagi lahaa talooyinka, iwm.
2. Kala-duwanaanshaha Xiliyada Saacadaha Shaqada:
Remote Work ayaa sidoo kale keeni karta caqabado la xidhiidha saacadaha shaqada, gaar ahaan hadii loo-shaqeeyayaasha iyo shaqaalayaasha ay ku kala sugan yihiin waddamo saacado badan u dhaxeeya,
Tani waxay keeni kartaa in xidhiidhka shaqada uu noqon mid aan si joogto ahayn, maadaama ay adag tahay in la yeesho wakhti labada dhinacba u roon.
3. Kaalmo La’aanta:
Remote Work waxay sidoo kale yeelan kartaa caqabad ah inaadan helin wax kaalmo ah, oo uu arinku yahay kaligaa gaadhiga isku-wad.
Halka hadii aad ka shaqayn lahayd goob xafiiseed, oo ay dhib kula soo daristo, aad ugu badnaan heli lahayd cid aad kaalmo waydiisato, oo ku caawisa.
Tani waxay Remote Work, ka dhigaysaa mid cabadad ku ah, inkastoo caqabad weyn aysan hayn, hadana shaqooyinka qaar caqabad bay ku tahay.
Gabagabdii
Remote Work waa hanaan shaqo cusub oo faa’ido badan leh, sidoo kalena leh caqabado dhowr ah.
Si loo helo nidaam shaqo oo wacan oo waara, waxaa lama huraan ah in shirkadaha iyo shaqaalayaashaba ay doortaan hanaanka u fiican una habboon shaqadooda, kaasoo taageeri doona labada dhinac.
Hadii aad rabto inaad xirfado gaar ah barato, oo bari ka maalin ah ugu shaqaysato Remote Work ahaan, qaado oo ku soo biir academy-deena, oo ka xulo mid ama qaar ka mid ah koorsooyinkeenan hoos ku xusan.