Samaynta Website-yada (Xaqiiqo Kaa Qarsoonayd)
Haddi aad rabto in aad yeelato website, si aad mustaqbalka dhow ama fogba lacag uga samayso,ama aad tahay mulkiile leh mehrad ama ganacsi maxalli ah ood rabto inaad ku soo biirto saaxadda online-ka ah, amaba aad rabto inaad hadda iyo kow bilawdo mashruuc ku salaysan internetka, waxaan kuu sheegayaa in “YEELASHADA WEBSITE-KU” uu udub-dhexaad kuu yahay.
Waa Maxay Website (Mareege)?
Website-ku: waa boggag isku xidhan oo ku jira hal kombuyuutar, kuwaas oo dhammaantood wadaaga hal magac oo Domain ah, bixiyana macluumaad gaar ah ama alaabooyin iyo adeegyo gaar ah, waxaana maamula kara qof gaar ah ama shirkad.
Samaynta website waxay ganacsi katasaa u noqotay lama huraan, xitaa haddii aan lagu bixinayn adeegyo, ama badeecado.
Maqaalkan, waxaynu ka hadli doonaa -eebe idamkii- muhiimada ay leedahay samaynta website, iyo sida ay uga faa’ideysan karaan ganacsatada, iyo shakhsiyaadka caadiga ah, si ay u dardargeliyaan kobaca mashaariicdooda oo ay u soo jiitaan macaamiil badan.
Samaynta website-yada waxa ay noqotay hababka ugu kalsoonida badan ee uu ku koro ganacsiga, waana tillaabada ugu horeysa ee ay qaadaan ganacsatada, ama shakhsiyaasdka caadiga ah, maadaama uu hoy u yahay fursado badan oo ganacsi ah, waana il aan la soo koobi karin faa’idadeeda.
Qiyaastii 4.33 bilyan isticmaale ayaa si firfircoon u isticmaala internetka, waxayna ku qaataan ku dhawaad lix saacadood iyo badh maalintii celcelis ahaan, Internetku waa goob aad u wayn oo aan xadidnayn oo si xawli ah u fidaya, waxaana rubuci labaad ee sanadkan 2019 la diiwaan galiyay in ka badan saddex meelood meel oo u dhiganta 1 bilyan oo Domain Name ah. Qof kastaana waxa uu ku degdegayaa sidii uu boos uga heli lahaa Internetka.
Samaynta website u gaar ah mashruucaaga, waxay kuu furi doontaa aragtiyo ballaadhan, waxay kaa caawin doontaa inaad soo jiidato macaamiil cusub, kordhiso iibka, oo dadka tusiso alaabtaada iyo adeegyadaada. Macaamiisha intooda badan waxay galaan internetka, si ay u raadsadaan alaabta iyo adeegyada ay u baahan yihiin, haddii se ay dhacdo inaad ka maqnaato saaxadda internetka, waxaa shaki la’aan ah in aad waayi doonto macaamiil badan, oo ay u wareegi doonaan tartamayaashaada suuqa kugu la jira.
Nasiib Darro
Ganacsiyada iyo shirkadaha qaarkood ayaa iska indha tira muhiimada ay leedahay samaynta website u gaar ah ganacsiga ama mashruuca, iyagoo luminaya fursado iyo faa’iidooyin badan oo laga yaabo inay ka faa’idaysan lahaayeen, hadii ay yeelan lahaayeen website.
Shirkadeena Door Muhiim Ah Miyay U Leedahay Samaynta Website-Yada
Si kasta oo ay tahay sababta ka dambeysa samaynta website kuu gaar ah, waxaad ku sugan tahay goobta saxda ah ee aad ka heli karto dhamaan wixii aad uga baahnayd samaynta website xirfad leh (Bilaw ilaa dhamaad), oo kuu gaar ah ama u gaar ah ganacsigaaga.
Shirkadeena ka GELLE BASHIR Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.
Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.
Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?
Hadaynu nahay GELLE BASHIR, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.
Maslah Hassan Abdi
Asc, ustadow waxaan rabaa in aan kusoo biiro courskan onlineka ah midakalana waxan rabaa in aan yeeshto website oo blog ah lacak ka sameeyo .
Gelle Bashir
wasalam wll . nala so xiriir insha allah wll number whatsppka website ka dhex helaysaa
gaabowyare92@gmail.com
Su,aashayda kowaad waxay tahay ma heli karaaa muuqaal aad ugu hadlayso sida loo sameeyo website
Tan labaad mana siin kartaaa cours yo koo kooban oo ka hadlaya degital marketing iyo Ecomerse haday aad na siin karto halahaasba waxaan kaa codsanayaaa inaad nagu sooo hagaa jiso wll thanks
Gelle Bashir
haa wll , waaxa heynaa course lagu baranayo E-COMMERCE AND DIGITAL MARKETING , course waxaa ku baran doontaa sida website loo dhiso, sida online business loo bilaabo , sidi digital marketing lo sameyo iyo waxa kale badan . fadlan course soo dalbo oo whatsapp ka nagala so xiriir ama booqo page course ee website kena .
Ikhlass
Marwalbo shaqa sharafleh
Gelle Bashir
thanks wll
Sakariye
ustaad ina kuso biraa cuorsadan
Gelle Bashir
nala soo xiriir wll