

Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay goobaha shaqada xorta ah (freelancing)? ama si guud, shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka? Sanadihii la soo dhaafay, goobaha shaqada xorta ah (freelancing) baahida loo qabo ayaa aad u badatay. Dad badan ayaa bilaabay ama u soo jeestay inay iskood u shaqaystaan, sababtoo ah freelancing-ku ama iskaa-u-shaqeysigu wuxuu bixiyaa ama siiyaa qofka xoriyad iyo dabacsanaan, marka loo eego shaqooyinka caadiga ah. Markaa haddii aad rabto inaad guda gasho goobaha shaqada xorta ah, waa inaad ogaataa shaqooyinka ugu wanaagsan ama shaqooyinka ugu baahida badan, Isla mar ahaantaana faa’iido wanaagsan soo saara ama lacag badan laga sameeyo.
Haddaba, in kasta oo mar walba la innagu dhiirri-geliyo ama aynu isku dhiiri-galino naf-ahaanteen inaan dooranno shaqooyinka la xidhiidha xirfadaheena iyo xiisaheena. si aan u gaarno hadafkeena ah madax-bannani dhaqaale. Maqaalkan waxa aynu dib-u-eegis ku samayn doonaa shaqooyinka ugu muhiimsan ee baahida weyn loo qabo, faa’iido wanaagsanna laga helo, ama lacag badan laga sameeyo. Waana kuwan:
Programming ama Barnaamij-samaynta waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu baahida badan internetka, si guud. waxayna leedahay ama laga sameeyaa dakhli badan, maadaama baahida loo qabo guud ahaan ay tahay mid si joogto ah u kordheysa. Programming-ku ama Barnaamij-samaynta waa goob, majaal ama takhasusu ballaaran, waxaana ka mid ah: Desktop Software Development, Data Analysis, Game Development, Software Development, Artificial Intelligence, Graphic Interface Development,
Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu takhasuso goob gaar ah, sidoo kale waxaa iyaduna lama huraan ah doorashada luqadda barnaamijka aad ku shaqeyn doonto mustaqbalka (Haduu Eebe Idmo), maadaama luqadaha barnaamijyada qaarkood ay baahi weyn u qabaan suuqa shaqada xorta ah marka loo eego luqadaha kale. Luqadaha ugu caansan waxay kuu dammaanad qaadayaan fursad weyn oo aad ku heli karto shaqo dakhli dhaqaale sare leh.
Shaxda soo socotaa waxay natusinaysaa luqadaha barnaamijka ugu caansan ama loogu adeegsiga badan yahay.
Waa mid ka mid ah shaqooyinka iyo xirfadaha loogu baahi badan yahay internet-ka, haddii ay noqon lahayd shirkad ama shaqsi, arrinta farxadda leh ayaa ah in shaqsi kastaa uu baran karo horumarinta web-ka isaga oo aan wakhti iyo kharash badan ku bixin barashadiisa, iyadoo ay jiraan casharro iyo duruusyo iyo xitaa koorasyo badan oo bilaash ah oo sharxaya ama faahfaahinaya horumarinta web-ka oo aad kala socon karto Intarneet-ka waxnana ka baran karto. Qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta web-ka ee aadka loogu baahi badan yahay ayaa ah:
Mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan uguna baahida badan ayaa ah Hormarinta App-ka ama Samaynta App-ka hadaan si kale u dhogo, Curinta App-ka. Taleefannada casriga ah ayaa si weyn u fidayya 10-kii sano ee u danbeeyay, iyadoo waayadan danbe si aad ah loo adeegsanayo, haday noqon lahayd wax iibsiga, wax barashada, raadinta macluumaadka, maaraynta ganacsiyada, iyo dalbashada tagsiga, iyo xitaa dalbashada cuntada. Qaar badan oo ka mid ah milkiilayaasha leh ganacsiyo ama bixiya adeegyo ayaa raadinaya qof u dhisa ama u hormariya app ku salaysan ganacigooda ama adeegyada ay bixiyaan. Sidaas darteed inaad ka shaqayso shaqadan oo laga helo faa’iido iyo dakhli badan ayaa u baahan inaad barato xirfado iyo farsamooyin badan oo adag, waxaadna u baahan tahay inaad barato in muddo ah, ha sa yeeshee shaqadan waxay kuu dammaanad qaadaysaa dakhli dhaqaale oo aad u sarreeya.
Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah shaqooyinka aadka looga baahan yahay suuqa shaqada xorta ah, laamaheeda iyo takhasuskeedana aad ayey u badan yihiin, qof kastana wuu baran karaa isagoo gurigiisa jooga islmarkaana wuu ku shaqaysan kara. waxaa intaa dheer in ay dammaanad qaadayso dakhli dhaqaale oo wanaagsan. Barnaamijyada ugu caansan ee naqshadeeyayaashu ay ku tiirsan yihiin ama ay adeegsadaan badankooda waa barnaamijyada Adobe gaar ahaan Adobe Photoshop, Illustrator, InDesign, iyo kuwa kale.
Sii Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?
Kumanaan mashruuc oo dhijitaal ah ayaa la sameeyaa ama la curiyaa maalin kasta, mashaariicdani waxay u baahan yihiin suuqgeyn si ay u suuq geeyaan alaabtooda iyo adeegyadooda. Sidaa darteed, shaki kuma jiro in ay jirto koror joogto ah oo ku saabsan baahida khubarada suuqgeynta dhijitaalka ah. Suuqgeynta dhijitaalka ah waa goob aad u ballaaran, waxaana ka mid ah kuwan, laakiin aan ku xaddidnayn:
Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato
Sidoo Kale: Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada Xorta Ah)
Sidoo Kale: Freelancing-Ahaan Sideen Ku Heli Karaa Macmiilkayga Ugu Horreeya
One Reply to “Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka”
[…] Sii Daalaco: Waa Maxay Shaqooyinka Loogu Baahi Badan Yahay Internet-Ka […]