Tallaabooyinka Aad Ku Noqon Karto Blogger Guulayste ah
Blogging-ku waa hab qoraaleed oo lagu muujiyo fikradaha iyo fariimaha uu qofku xanbaarsan yahay, sidoo kale lagu wadaago xogo, isla mar ahaantaana lacag looga sameeyo.
Haddii aad run ahaantii dooneyso in aad noqoto blogger guulayste ah, halkan waxaa ah dhowr tallaabo oo kaa caawinaya inaad noqoto blogger guulayste ah, kuuna suuragaliyana inaad gaadho hadafkaa.
1. Xulo Ama Dooro Mawduuc Aad Xiisaynayso
Doorashada mawduuca gaar ah, waa kan badanka qaabeeya guusha ama guuladarada blog-ga, waana sababta aynu tallaabada koowaad uga dhignay, sidaa darteed, waa in si taxadar leh loo doortaa.
Dooro mawduuc aad si dhab ah u xiisaynayso, oo aad aqoon durugsan u leedahay, ama khibrad kooban laakiin aad rabto inaad in badan wax ka sii ogaato, isla mar ahaantaan suuqa qiimo (value) ku leh, nacam wax ka goynaysa.
2. Aqoonso Dadwaynahaaga (audience)
Ogaanshaha cidda aad wax u qorayso, waa mid ka mid ah qodobada ugu weyn ee keena inaad noqoto blogger guulayste ah.
Is waydii su’aalahan, waa ayo dadka aan wax u qorayo?, maxay daneeyaan oo ay xiiseeyaan?, maxayse ka siman yihiin?, maxaa dhibaato ah ee haysata?, siday fariintaydu si habsami leh ugu gaadhi kartaa?, heerkooda aqooneed in intee le’eg bay gaarsiisan tahay?, tusaalayaasha, iyo erey-bixinada ay fahmi karaa waa kuwee?, iwm.
Mar allaale marka ay badato su’aalaha, sidoo kalena loo helo jawaab, waa markasta oo si wacan u aqoonsan tahay dadwaynahaaga, ama dadka aad bartilmaameedsanayso.
3. Baro SEO-ga
Kadib markii aad doorato mawduuc gaar ah, isla mar ahaantaana aad aqoonsato cidda aad la hadlayso, markan waa doorkii aad iyaga wax u qori lahayd, saw ma ahan?
Dabcan, se waxaan rabaa inaan kugu baraarujiyo qodob muhiim u ah blogger-nimada, kaasoo ah SEO.
Marka aad qormo qorto, isla mar ahaantaana aad soo daabacdo, waxaad rabtaa inay qormadaadu gaadho dadkii aad beegsanaysay saw ma ahan?, waa kan haddaba doorka uu SEO-gu leeyahay.
SEO-gu waa farsamooyin ay tahay inuu ku suntanaado qormadaada, si ay u aqoonsadaan search engine-nada sida google, bing, iwm, isla mar ahaantaana ay u gaadhsiiyaan dadyawgaa aad beegsanaysay, markii ay wax ka baadhaan.
Gabgabadii
Noqoshada blogger guulayste ah run ahaantii waxay u baahan tahay wax yaabo intaa ka badan, se hadii aad 3-dan tallaabo si tix-galin leh u raacdo, waxay u badan tahay inaad guulaysanayso, eebe idamkii.
Dadaal, dulqaad iyo hal-abuurna la kaalay, midna xasuusnoow, guusha blogger-nimadu waxay si weyn ula xidhiidhaa sida ay kaaga go’an tahay, sida aad u fahamsan tahay dadwaynahaaga, sida aad xog ugaal ugu tahay waxa aad ka hadlayso.
Hadiise aad rabto inaad sii xoojiso aqoontaada iyo xirfadaada blog-nimo, qaado oo baro korsadan hoos ka muuqata, adigoo ku baranaya sida loo dhiso blog tayo sare leh, misna loogu xidho Google AdSense.
Ahmed samiir
Kaalay nala arag
Gelle Bashir
thanks
Cali hassan
Asc
Gelle Bashir
wcs wll, welcome.