3 Tignoolajiyada Oo Wax Ka Bedeli Doonta Aragtida Aduunka

  • April 19, 2023
  • Comment 0

3 Tignoolajiyada Oo Wax Ka Bedeli Doonta Aragtida Aduunka

Tignoolajiyadahii soo ifbaxaya sanadahan danbe waxay wax weyn ka bedeli doonaan aragtida adduunka iyo sida aynu u aragno, iyadoo aynu aragno wax aan waagii hore suurtagal ahayn in ay haatan noqdeen wax iska caadi ah oo laga yaabo inay ka mid noqdeen nolol maalmeedkeena, laga bilaabo garaadka samayska ah ilaa  

1. Garaadka Samayska Ah

Garaadka samayska ah ayaa wali ahaan doona goob muhiim ah, isla mar ahaantaana aan laga maarmayn, isagoo ku salaysan nidaamyo la dhisay, kuwaasoo u ogolaanaya inay u ekaadaan dabeecadda aadanaha oo kale, awoodna u leh inay iskood u shaqeeyaan iyagoon u baahanin faragelin kale oo ka dhan ah bini’aadamka.

Garaadka samayska ahi guud ahaan waa nidaam iskii wax isku baraya, iskuna kallifaya inuu iskii go’aamo u qaato.

Nidaamyada Garaadka samayska ahi waxay u ekaan doonaan ilaa xad aadanaha oo kale, heer ay dhici karto in aadanuhu uu mararka qaar galo kaalinta labaad.

2. Jiilka Shanaad (5G GENERATION)

Shabakadaha jiilka shanaad ayaa laga yaabaa inaysan danayn dad badan, maadaama ay haystaan shabakadaha jiilka afraad haddaba waa maxay faa’iido leedahay shabakadaha jiilka shanaad? Runtii farqi aad u weyn ayaa u dhaxeeya.

Shabakadaha Jiilka shanaad ama waxa afka qalaad loogu yeedho 5G GENERATION ayaa 100 jeer ka dheereeya shabakadaha 4G, taasoo u oggolaanaysa inay ku xidhmaan qalabyo badan, misna yareeyaan daahitaanka iyo dib u dhaca ilaa xad.

Tignoolajiyadan ayaa sidoo kale ah mid bilaa waayir ah ama bilaa xarig ah, waxayna noqon doontaa tiir dhexaadka internet-ka guud ahaan.

Se marka laga hadlayo dhanka shirkadaha iyo ganacsiyada, tignoolajiyaddan waxay u noqon doontaa is bedel aad u weyn, sababtoo ah xafiisyada ganacsiyada badankoodu wakhti xaadirkan waxay ku salaysan yihiin hab online ah, taasoo tignoolajiyaddan u sahlaysa inay si fudud ku wada xidhiidhaan, kuna kulmaan, shirarna ku qabsadaan, iskuna halleeyaan ilaa xad, maadaama ay awood buuxda u siinayso inay xoga si habsami leh u wadaagaan oo dhakhso leh, isla mar ahaantaana si habsami u wadaagaan dhacdooyinka tooska ah sida live-ka.

3. Blockchain

Waa tignoolajiyad saamaxaysa in xogta loo kala wareejisto si ammaan ah oo xafidisan, iyada oo aanay cid saddexaad soo dhexgelin. Kaliya waa taxane taxane ama rikoodho, mid kastaana ka kooban yahay shaambad wakhti ah iyo xidhiidhiye blocks hore, oo ay maamulaan koox kombuyuutaro ah oo aan cidina lahayn, blocks-yadan ayaa la ilaaliyaa oo lagu xidhaa algorithms sir ah. Shabakadda blockchain waa mid madax banaan oo aan hoos imanayn awood dhexe sababtoo ah asal ahaan waa diiwaan la wadaago oo aan la bedeli karin, xogta ku jirtana waxay diyaar u tahay qof kasta in uu arko, wax ku iibsigeeduna waa bilaash, mana laha wax khidmad ah.

Bal qiyaas in uu jiro qof la yiraahdo Axmed oo ku nool Falastiin, tusaale ahaan, doonaya in uu $100 u wareejiyo Cumar oo jooga Turkiga, Caadiahaanta Axmad waa inuu tagaa Bangi ku yaala falastiin oo uu lacagta ku shubo Akoonka Cumar, balse dhibka ka jira qaabkan ayaa ah in hadii uu rabo inuu xawilo $100 oo uu u baahan yahay inuu bixiyo lacag Khidmad ah (commission) si la mid ah sidaas oo kale ayaa Cumar ku dhici doonta marka uu lacagtaasi la baxayyo, waxaana laga yaabaa in howshaasi ay qaadato maalmo si uu Cumar u helo lacagtaas.

Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah, in ay jirto qolo saddexaad oo dhexdhexaadinaysa Axmed iyo Cumar, kuwaas oo awoodi doona inay arkaan macluumaadka shakhsi ahaaneed ee iyaga ku saabsiisan, taas oo aan shaqo ku lahayn habka wareejinta.

Ka warran haddii ay jirto qaab lacag loogu xawilo qof ama shirkad si ammaan ah oo aan loo baahnayn cid saddexaad si ay u aragto macluumaadka shakhsi ahaaneed iyo in aan loo baahnayn in la bixiyo khidmad (commission), ayna sii dheer tahay in lacagaha isla markaaba la helo, Tani waa waxa tignoolajiyada blockchain ay samaysay.

Tani waa sababta tignoolajiyada blockchain ay u soo jiidatay dareenka shirkadaha iyo ururada u baahan inay kaydiyaan diiwaanada.

Tignoolajiyadan ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu sameeyo goob codbixineed oo online ah oo sugan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×