Waa Maxay Bitcoin Halving-ku?
Wax ma kala socotaa Bitcoin?, mase la yaabtaa marka uu qiimihiisu kor u kaco, oo uu labo, seddex, amaba xittaa toban jibbaarmo, isla mar ahaantaana uu hadana hoos u dhaco?
Hadii aad su’aashan is weydiisay, waxaa tahay qof gar leh, maxaa yeelay Bitcoin waa lacag dad badan aysan fahamsaneen sida ay u shaqayso.
Waxaa jirta sir weyn ama arin uu daah weyn saaran yahay, taasoo ah (Kala-badhidda Bitcoin – تنصيف بيتكوين – Bitcoin Halving), haddaba muxuu yahay Bitcoin Halving-ku?.
Waa Maxay Bitcoin Halving-ku?
Si guud, “Bitcoin Halving” wuxuu door weyn ka ciyaaraa hoos u dhaca iyo kor u kaca dhaqdhaqaaqa lacagta bitcoin.
Kala-badhidda Bitcoin – تنصيف بيتكوين – Bitcoin Halving: waa dhacdo dhacda afartii sanaba mar, si loo dhimo abaal-marinnada ay helaan kuwa “bitcoin qodayaasha ah”.
Wali ma fahmin sow mahan?
Si aan si fiican ugu fahamno “Bitcoin Halving-ku” wuxuu yahay, ugu horreyn waa inaynu fahamnaa cidda ay yihiin bitcoin qodayaasha, oo loo yaqaan “Bitcoin Miners”.
Waa Maxay Bitcoin Miners?
Si loo helo bitcoin, waa in la xalliyaa xujooyin iyo hal-xidhaalayaal xisaabaysan, inta lagu guda jirana xallinta xujooyinkan laba arrimood ayaa dhacaya:
- In lacag cusub la curiyo
- In la diiwaan galiyo, lana hubiyo, misna la caddeeyo runimada transaction-nada dhacaya
“Bitcoin Miners” ama bitcoin qodayaasha, si guud waa qolada qabata shaqadan, iyagoo xalliya xujooyinkan ku dhisan xisaabaadka, sidaana ay abaal-marin ahaan u helaan Bitcoin.
Haddaba, Bitcoin Halving-ku waa kala-badhidda abaal-marinta ay helilaan bitcoin qodayaasha markii ay xaliyaan xujooyinka hor yaala, afartii sanaba mar.
Hadda ma fahantay sababta uu bitcoin qiimihiisu si waali ah kor ugu kaco, afartii sanaba mar?
Kala-badhiddaan ayaa afartii sanaba mar dhacda, wakhti xaadirkan ee aad akhrinayso qormadan waxaa dhacday markeedii 5-aad.
Heerka uu soo kala maray “Bitcoin Halving-ku”:
- Markii bitcoin la aasaasay ka dib, abaalmarinta ay heli jireen bitcoin qodayaasha markii ay xaliyaan xujada ka dib waxay ahayd “50 Bitcoin”
- Sanadkii 2012, waxay noqotay “25 Bitcoin”, taasoo micnaheedu tahay in abaal-marintii ay hoos u dhacday 50%
- Sanadkii 2016, waxay noqotay “12.5 Bitcoin”
- Sanadkii 2020, waxay noqotay “6.25 Bitcoin”
- Haatan oo ah sanadkii 2024, wuxuu noqday “3.125 Bitcoin”
FG: Hadii aanad hasysan Koonto/Account Binance ah, hadda halkan ka samayso, oo durba maalgasho: Binance Account
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing
Our Courses
- Ecommerce & Marketing Course
- Blogging Google AdSense Course
- Graphic Design Course-Master Class
- Somali Alibaba Online Course
Abdirahman Abdulkadir Mohamed
Send me updates Already Always and automatically
abdirahman ahmed
ok thanks wll
Ibrahim
Ustaad exchange-yadu la maalgashado way fara badan yihiin, xittaa qaar waxaa jira aan ID ama bassabord u baahnayn, mala isticmaali karaa? Ama waa risk?
Jawaab wcn ustaad Thnks.
abdirahman ahmed
wll kuwaas lama aamini karo , exhchanges waaweyn isticmaal, waa run passport bey rabaan lkn lacagtada iyo faa’iidada aa heshid kama dhacayaan ooo balaaayin dollars ba ku jiro
Abdihafid
Ustaadi bal kwrn hadda bitcoin halving way dhamaatay marka crypto dhaqaaqii bilahan dambe sameynaysay coins ka sida sol iwm hadda ma dhaqaaqayaan miyaaa oo sidii looguma macaashayo aniga hadda ayaan training course baran rapaa sooma kama macaashato asbuucle io maalinle hadda experts ku noqdo
abdirahman ahmed
haa wll, suuqan qeybta Trading hadad sifican u baratid , sifican oga macaasheysaa, tan kale wuu dhacey halving shaley lkn dhaqaaqa suuqan bilo qaataa.
Saf8a
Asc abowe aad iyo aad ayaad umahadsantahay, runtii wax badan ayaad ifaideysey jazakalahu qeyr, aniga waxaan ahay hoyo somaliyeed,
abdirahman ahmed
wcs wll, aad bad u mahadsan tahey wll.
Maxamed ismaaciil
Bitcion
abdirahman ahmed
maalgasho waa fursad weyn
Abdifatah Msska
Mahadsanid si quruxbadan, oo cidkasta fahmikarta ayad uso qulasesay. Mudane “bitcoin Halving” waxa ad ka samesay qorma muhim aha, una bahan Somalida baryahan ku cusub suqa cryptocurrency.
abdirahman ahmed
adaa mudan wll
OSMAAN aden abdulle
Ustaad codsi waye halmar muqal noga zoo samey
Tusaale waxan iibsaday xooga bitcoin ah amaba 🪙 coinan kale
Xagee ka arki karaa coins balance geyga
Taa noga samey video ado mahadsan mcnlin
Ali
Xageen ka bilaabi karaa maanta ano ku cusub mihnadan yaase ugu wanagsan oo lga baran karaa cryptocurrency hawlaheda
abdirahman ahmed
wll course cusub ban so wadaa, insha allah waxan rajenayaa in dhalinyaro badan ka faa’ideysan doonaan.
Mohamed
Salaam calaykum ustaad germr Bashir sifiican baad noogu faahfaahissay bitcoin halving that’s enough
Lkn wxaanu doonayaa 2 course
Trading course iyo investment courses cryptocurren inaad noo soo sameesid insha’Allah
abdirahman ahmed
wcs wll, dad badan baa iga soo codsadey courses, wana so wadaa wll Insha allah
CABAAS XADE
Crypto aaan fahanahay wa invevtment
Waxaad kaso hadashaa stock maeketing ka iyo shirkadaha kuu maalgishan adiga ahan waxaan rabay inaa maalgishto sxb jawbta
abdirahman ahmed
ok wll thanks