Web3.0: Wax Ka Baro Mustaqbalka Internetka
Web3.0 waa hannaanka internetka cusub, taasoo lagu tilmaamo inay tahay mid xornimo badan, ammaan ah, decentralized ah.
Web3.0 waxay ku saleysan tahay tiknoolajiyada blockchain, taasoo u oggolaanaysa dadka isticmaala inay si buuxda u yeeshaan una xakameeyaan xogtooda, kana fogaadaan dhexdhexaadiyeyaasha waaweyn ee hadda maamula internetka.
Waa Maxay Web3.0?
Web3.0 waa faca ama jiilka saddexaad ee internetka, kaasoon lahayn wax saldhig ah, oo ku shaqeeya tignoolajiyadda blockchain.
Mid ka mid ah tusaalayaasha ugu caansan wakhtigeenan, waxaa ka mid ah Metamask.
Metamask waa crypto wallet, oo ku saleysan Web3.0.
Metamask waxay dadka u oggolaaneysaa inay kaydsadaan, diraan, ama helaan cryptocurrencies-yada iyo NFTs-yada kala duwan, iyagoon u baahanin bangi ama shirkad dhexe, ama u baahanin in la xaqiijiso cidda ay yihiin.
Badanaa exchange crypto, sida Binance, Coinbase, IWM, waxay adeegsadaan wax loo yaqaan “KYC”, oo laga soo gaabiyo “Know Your Customer”, oo loola jeedo aqoonsiga macaamiisha.
KYC waa sharci ay tahay inay ku dhaqmaan oo fuliyaan shirkadaha exchange cryptocurrency-yada , si ay u aqoonsadaan isticmaalayaashooda.
Faa’iidooyinka Web3.0
- Xakamaynta Xogta: Isticmaalayaashu waxay leeyihiin awood ay ku maamulaan kuna xakameeyaan xogtooda, iyaga oo aan ku tiirsaneyn shirkado waaweyn ama cid kale.
- Amniga Sare: Tiknoolajiyada blockchain waxay bixisaa ammaan heer sare ah, taasoo ka hortagaysa weerarada internetka.
- Fursadaha Dhaqaale: Web 3.0 waxay abuurtaa habab cusub oo lacag lagu kasbado karo, sida gadidda iyo iibinta NFT-yada.
Guntii Iyo Gabagabadii
Web3.0 wuxuu dadka ku dhiirrigelinayaa inay noqdaan milkiilayaal, halkii ay ka ahaan lahaayeen isticmalayaal oo kaliya ah.
Isticmaalayaasha Web3.0 waxay awood u yeelan doonaan inay yeeshaan fursado cusub oo hanti ma guurto ah oo dhijitaal ah, halkaa oo ay ka ganacsan karaan hantidooda.
Hantiduna waxay noqon kartaa farshaxan, sawir, muuqaal, cod, dukuminti, iyo ugu badnaan wax kastoo dhijitaal ah.
Web3.0 waa hannaanka cusub ee internetka, waxaana la filayaa in uu abuuro internet xor ah, waxtar leh, oo xambaarsan xasilooni cusub, waa muhiim in la fahmo lagana war-qabo isbedelada ka dhacaya internetka, si looga faa’iideysto fursadaha uu bixinayo.
Baro oo ku soo biir academy-deena, oo ka xulo mid ama qaar ka mid ah koorsooyinkeenan hoos ku xusan.