XRP oo kor u kacday 12%, maxaa sababay?

  • January 15, 2025
  • Comment 0

Qiimaha XRP ayaa sameeyay kor u kac fiican maanta, maadaama waaweynka suuqa ama ganacsatada jeebku u buuxo ay filayaan in ETF-yada XRP la ansixiyo sida ay dad badan oo suuqan taxliiliya ay saadaaliyeen.

XRP ayaa qiimaheedu kor u kacay 12% iyada oo ay xog sheegayso in ganacsatada waaweyn ay urursanayeen coins badan moddooyinkii u dambeeyay, iyaga oo saadaasha ka qaadanaya habka ay kooxda Ripple ay ula falgaleen Trump oo uu caleemasaarkiisu soo dhawaaday iyo ETF-yadooda oo iyadana in la ansixiyo loo han weyn yahay.

“Maalgashadayaasha XRP way ku faraxsan yihiin inay arkaan coin-kooda oo darajada 3aad ee crypto ku jira qiimo ahaanna gaadhay $2.69 maanta, oo ah markii ugu horreysay ee uu qiimahaas gaadho laga bilaabo December 17keedii” ayuu yidhi taxliiliye suuqa crypto taxliiliya 14 January ee sannadkaan.

Haddadan aan soo qorayno maqaalkan qiimaheedu waa $2.84, oo ah qiimo aan la arag ilaa 2018, sida xog ka soo baxday CoinMarketCap ay sheegayso.

Urusiga ganacsatada waaweyn ee XRP ayaa kor u kacaya

Santiment ayaa sheegtay in qiimaha coin-kan ee biiraya loo sababayn karo akoonnada haysta 1million ilaa 10million oo XRP ah oo hadda soo badanaya.

Shirkad wax taxliilisa ayaa sheegtay in laga soo bilaabo November 12, 2024kii in shirkadda Cohort ay urursatay 1.43 billion XRP ah, iyaga oo helay faa’ido ku dhow 37.4%.

Cryptocurrencies, Ripple, XRP, Markets, United States, Donald Trump     Jeeb weynta suuqa ayaa XRP urursanaysay si aad ah laga soo bilaabo November 2024 xigasho:- santiment.

Maamulaha qaybta cilmibaadhista ee shirkadaha Derive Sean Dawson ayaa sheegay in kor u kaca qiimaha XRP loo badinayo ansixinta loo ansixin doono ETF-yadooda maalin ka mid ah sannadkan.

Dawson ayaa yidhi sida Bitcoin loo gatay waxaa macquul ah in maalgashadayaashu ay u soo jeestaan dhinaca altcoins-ka oo ay maalgashadaan XRP, taas oo kicin doonta kor u socodkeeda.

Wargays Blockchain-ka ka faallooda oo Gokhshtein Media lagu magacaabo ayaa aasaasaheeda David Gokhshtein yidhi maanta “dadka XRP kaydsasay way u qalmaan faa’idada”.

Dhinaca kale baanka weyn ee JPMorgan ayaa sheegay in Solana iyo XRP haddii loo ansixiyo ETP-yadooda(Exchange traded products) inay ka kor mari doonaan ETP-yada Ethereum lixdooda bilood ee u horreysaba.

“Inaanaga oo eegayna la qabsigan degdegga ah ee lala qabsaday Solana iyo XRP, waxaan arkaynaa in Solana ay soo jiidatay $3 billion – $6 billion oo maagashi cusub ah halka, halka XRP ay soo jiidatay $4 billion – $8 billion oo maalgashi cusub ah” ayuu yidhi JPMorgan January 13keedii.

Innaga oo eegayna dhammaan faallooyinkaas iyo saadaalaha badan ee wanaagsan ee laga baxshay XRP waxaan dhihi karnaa waa mustaqbalka fiican yahay coin-kan taasi ma aha talo ganacsi, fadlan DYOR.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×