Blogging: Khuraafaadka Iyo Xaqiiqooyinka Laga Sheegayo Iyo Sida Loo Bilaabo

  • May 9, 2023
  • Comment 1

Blogging: Khuraafaadka Iyo Xaqiiqooyinka Laga Sheegayo Iyo Sida Loo Bilaabo

Waxaynu ognahay in dadka badidoodu ay adeegsadaan baraha bulshada, ama ay booqdaan goobaha kale ee internetka ee dhijitaalka ah, halkaas oo ay ku arkayaan dadyaw ku nool nolol-maalmeedka cajiibka ah ee ay ku riyoon jireen.

Had iyo jeer waxaan aragnaa sawirro iyo muuqaallo la qaaday xilliga safarada, badeecado cusub, iyo muuqaalo kaloo wanaagsan oo nafta dareen siinaysa farxad iyo rayn-rayn.

Akhriste aan mid kuu dammaanad qaado “wadada loo maro guusha ma ahan mid sahlan“, laakiin yeelashad blog iyo ku guulaysigeeda run ahaantii waxay kuu noqon kartaa fursad weyn!

Si la mid ah xirfadaha iyo ganacsiyada kale, waxay leeyihiin faa’iido iyo khasaare, laakiin haddii uu ujeedkaagu yahay inaad lacag ka samayso blog-ka waxaan kuu damaanad qaadi karaa inuu khasaarahaagu yaraan doono, hadii aad raacdo tilaabooyinka saxda ah, misna diiradda saarto blog-gaaga, dulqaadna muujiso, daraasad iyo dadaal badanna la timaado.

Khuraafaadka Iyo Xaqiiqooyinka Ku Saabsan Suurtogalnimada Ah In Lacag Laga Sameeyo Blogging-Ka Iyo Sida Loo Bilaabo

Ka fikirida wax kasta oo aan horay uga soo hadalnay qoraalkan, waxaan kuu diyaarinay liis gaaban oo khuraafaad iyo xaqiiqooyin ah si aan si buuxda u tirtirno dhammaan caqiidooyinka lagu faafiyo blogosphere.

Khuraafaadka:

  • Waxaad blogging-ka lacag kaga samayn kartaa si degdeg ah, adigoon dadaal badan bixinin.
  • Waa shaqo fudud oo aan u baahnayn dadaal badan.
  • Inaad blogging lacag “badan” ka samayso waa arrin ku xidhan nasiib.
  • Kaliya dadka caanka ah ayaa blogging-ka lacag badan ka samayn kara.
  • Ka shaqaynta suuqa blogging-ku wuxuu noqday suuq buuxa, oo ay ku jiraan dadyaw badan.

Xaqiiqooyinka:

  • Kharashka maalgashiga ee aad ku bilaabayso waa mid aad u hooseeya!
  • Qof kasta ayaa lacag ka samayn kara blogging, kumana xidha hadii uu caan yahay iyo hadii kaleba.
  • Waa lagama maarmaan in si joogto ah wax loo barto, si loo ogaado wax kasta oo cusub oo ku saabsan blogging-ka.
  • Waxay bilawga hore kaaga baahan tahay dadaal iyo juhdi badan.
  • Waxay ka mid tahay waddooyinka ugu fudud ee internet-ka lacag looga sameeyo.

Bilaabidda:

Waxaa jira qodobbo ay tahay inaad fiiro gaar ah u yeelato marka aad rabto inaad bilawdo blogging:

  • Doorashada hal nuxur oo kaliya.
  • Ogaanshaha suuqa bartilmaameedka ah.
  • Diyaarinta astaan ku habboon mashruuca ama suuqa la bartilmaameedsanayo.
  • Isku-dubbaridka dhinacyada farsamada sida iibsashada domain name, hosting, iyo theme ku habboon mashruuca, dabcan waad ka maarmi kartaa intoodaba, waxaadna ku bilaabi kartaa si bilaash ah, adigoo adeegsanaya BLOGGER oo ah madal ay leedahay shirkadda Google, laakiin markii dhan kale laga eego lagu ma taliyo.
  • Dajinta qorshe tafatiran oo ku aadan xiliyada la daabacayo maqaalada.
  • Suuqgeynta blog-ga, adigoo u maraya baraha bulshada, iyo aaladaha kale ee dhijitaalka ah, ama suuqgeynadii hore ee dhaqameedka ahaa.

Si aad u sii xoojiso xogaha aad ka haysato lacag ka samaynta blogging, oo aad si buuxda u damaanad qaaddo inaad lacag ka samayso blogging waxaan kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, taasood kaga bogan doonto –eebe idamkii- xogo iyo macluumaadyo buuxda oo ku saabsan blogging, si aad u hesho koorsada oo aad noola jaanqaaddo guji badhankan hoose, faallooyinkaagana noogu reeb qeybta hoose ee faallada, Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×