Miyay Tahay Inaad Isla Wakhti Xaadirkan Aad Bilawdaa Ganacsi E-Commerce Ah?

  • June 15, 2023
  • Comment 0

Miyay Tahay Inaad Isla Wakhti Xaadirkan Aad Bilawdaa Ganacsi E-Commerce Ah?

Ma jiro amase way yar tahay maqaal ama qormo ka hadlaya “SIYAABAHA INTERNET-KA LACAG LOOGA SAMEEYO“, oo aan kaalinta koowaad ku jiran “GANACSIGA E-COMMERCE-GA AH“, waxaanna wada ogsoon nahay in ganacsiga e-commerce-ga ahi uusan wakhti xaadirkan kaliya ahayn doorasho furan, ee uu yahay doorosho lagama maarmaan ah.

Waxaase xusid mudan in fikradda ganacsiga e-commerce-ga ahi ay tahay mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee internetka lacag looga sameeyo, fikradda ayaa ku salaysan iibinta badeecad/adeeg adigoo adeegsanaya internet-ka.

badeecadduna waxay noqon kartaa mid la taaban karo (sida qalin, buug, dhar, iwm) iyo mid aan taaban karin (sida buugaagta digital-ka ah, kooroosyinka online-ka ah, iwm), waxaana suurtogal ah in la iibiyo adeegyo bedelkii la iibin lahaa badeecad.

Sidoo kale arinka ugu weyn uguna faa’iidada badan ee uu leeyahay ganacsigani waxaa ka mid ah, inaad iibin karto badeecad aanad adigu marka hore lahayn, intaa kaliya ma ahee, xittaa aanad ku khasbanayn inaad marka hore alaabta soo gadato.

Sababaha Keenaya In Isla Wakhti Xaadirkan La Bilaabaa Ganacsigan Waxaa Ka Mid Ah:

  • Geedi-socodka wax iibsiga online-ka waa mid sahlan, isagoo qofka eegi kara dhamaan badeecooyinka yeela webisite-ka, iyo category-yada ay kala leeyihiin.
  • Fududaanta yeelashada dukaan online ah, kaasoo dhan walba ka dhamaystiran, wuxuun qofka awoodaa inuu saacado gudahood ku samaysto dukaan online ah oo dhamaystiran, taasoo lid ku ah ganacsiyada dhaqameedka ah, oo uu u baahan yahay maalmo iyo bilo, si loo dhiso.
  • Ganacsigan wuxuu dadyawga u badbaadinayaa una kaydinayaa wakhti badan, kaasoo markii hore kaga bixi lahaa ganacsiyada dhaqameedka ah.
  • Badeecadda la iibinayo muhiim ma ahan inaad yeelato, iyo inaad marka hore alaabta soo gadato.

Haddii aad si fiican u bilawdo ganacsigan, oo aad ka miro-dhalisana, dabcan wuxuu kuu yeelan doona faa’iido, si la mid ah ganacsi kasta oo guulaysta.

Hasa yeeshee bilawga hore waxay kaaga baahan tahay barasho, feejinaan, iyo inaad la timaaddo ku dhac dhab ah, waana inaad barataa misna aad daraasaysaa badeecooyinka guusha leh, tartamayaasha suuqa kugu la jira, hababka keenista badeecooyinka, qiimo dajjinta, sidoo kalena aad barataa kanaalada suuqgeynta.

Guushu kuma timaado si kadis ah, “laakiin ma jiraan wax aan suurtagal ahayn”.

Isku soo wada duub, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×