Waxaa jira shirkado, goobo, iyo mashaariicyo ku salaysan internetka, kuwaasoo boqollaal doolar sameeya 10kii ilbiriqsi kasta, laakiinse haday su’aashaadu u dhigan tahay sidatan: sideen ku helayaa waddo ama hab aan nasiib ahayn, taasoo 10kii ilbiriqsi kasta aan ku helayo $100, dhab ahaantii markaa iyada ah waxaad ku nooshahay nolol gabi ahaanba ku salaysan khilaayi iyo male-awaal aan jirin.
“Lacag Samaynta Internet-Ka” waxay la mid tahay “Lacag Samayn Kasta Oo Dhulka Ka Jirta“, mana jirto waddo fudud oo gaaban oo uu qofku ku heli karo lacag intaas le’eg, hasa yeeshee dadaal iyo wakhti badan oo badan kadib, laga yaabo inay taa suurtagasho.
Leave a Comment