3 Siyaabood Oo Aad Lacag Uga Samayn Karto Blog-Kaaga

Miyaad marna ku fikirtay inaad blog samaysato oo aad lacag ka sii samayso? Se hadii aad ku fikirtay ma xaqiijisay, mise wali waa riyo un. Hagaag, ma waxaad rabtaa inaad ogaato siyaabaha ugu fiican ee aad lacag uga samayn karto blog-kaaaga? Haday jawaabtaadu tahay “HAA” dhamaystiro akhriska maqaalkan.
Haddii aad rabto inaad samayso blog cusub, ama aad hore u laheed laakiin se wali aanad lacag ka samayn, maqaalkeenan maanta hubaal waa kuu muhiim adiga, waxaanan ka hadli doonaa -eebe idamkii- siyaabaha ugu fiican ee lacag looga sameeyo blog-ka.
Waa Maxay Blog?
Ka hor intaynaan bilaabin siyaabaha lacag looga samayn karo blog-ka, waxaynu faahfaahin ka bixinaynaa waxa aan ula jeedno blog, kaas oo lagu qeexi karo nooc ka mid ah website-yada, oo diiradda saara daabacaadda qoraallada (maqaallada) hab taariikhi ah.
blog-yadu waa ay ku kala duwan yihiin ujeeddada loo adeegsado ama loogu talagalay, waxaana jira blog-yo shakhsiyaad ah oo uu qofku la wadaago danihiisa ama aqoontiisa cid kale, iyo blog-yo gaar ku ah mashaariicyo iyo shirkado.
Sidoo kale waxaa jira blog-yo ay ujeedadoodu tahay in ay lacag ka sameeyaan internetka, Taas oo ah udub dhexaadka wada-hadalkeena maanta.
Waxa maqaalkeena maanta xiisaha u yeelaya, waa lacag samaynta, Sidaa darteed waxaynu ka hadlaynaa 3 siyaabood oo aad lacag uga samayn karto blog-kaaga.
Sii Daalaco: Samaynta Website-Yada, Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixino
Siyaabaha Aad Lacag Uga Samayn Karto Blog-kaaga
Ugu horrayn, yaynaan iloobin in waxa ugu muhiimsan ee kuu sahlaya ama kuu ogolaanaya inaad lacag ka samayso blog-kaaga ay tahay in aad bixiyo oo aad soo bandhigdo waxyaabo “QIIMO LEH”.
In waxyaabo qiimo leh aynu soo bandhigno, waxay noo ogolaanaysaa in aan helno booqdayaal, islamar ahaantaana awood aan u yeelano in siyaabo badan aan lacag uga samayno blog-keena.
Sii Daalaco: Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixinno: Branding Services
Waxaynu xusi doonaa 3 ka mid ah siyaabahaas, kuwaas oo kala ah:
1. In Lacag Laga Sameeyo Blog-Yada Iyadoo Loo Adeegsanayo Qaab Xayaysiis Ah
Waa habka ugu fidsan uguna caansan guud ahaan, maadaama dadka wax ku qora blog-yada, ay blog-koodo ku xiraan shirkadaha xayeysiiska sida Google Adsense, tanina waxaa la odhan karaa waa habka ugu fudud ee blog-yada lacag looga samayn karo, hadii uu blog-kaagu helayo booqdayaal maalin walba.
Habkan ah inaad lacag ka samayso blog-kaaga adigoo adeegsanaya qaab xayaysiis ah kaliya kuma xidhna Google Adsense, balse waxa jira shirkado badan oo bixiya adeega xayaysiiska, Sida PopCash, PopAds iyo AdMaven.
2. In Lacag Laga Sameeyo Blog-Yada Iyadoo Loo Adeegsanayo Qaab Ah Iibinta Adeegyadaada
Habka xiga ee aad lacag uga samayn karto blog-kaaga ayaa ah in aad iibiso adeegyadaada, habkani waxa uu kaga duwan yahay kii hore, waa in aanad ka tiirsanayn xisbi ama shirkad kale. Blog-ku adiga ayaa iskaa u leh, waxaadna ku soo bandhigi kartaa adeegyadaada. Tusaaleyaal:
- Qorista Nuxurka
- Porgramming-ka iyo Naqshadaynta
- Adeegyada Warbaahinta Bulshada
- Wanaajinta Search Engine-da
- Samaynta Muuqaalada
- Iibinta Koorsooyinka
Sii Daalaco: Fikrado Ku Saabsiisan Website-Yada Ugu Lacag Samaynta Badan Sanadka 2022
3. In Lacag Laga Sameeyo Blog-Yada Iyadoo Loo Adeegsanayo Qaab Ah iibka komishanka (Affiliate marketing)
Haddii blog-kaagu aanuu haysan booqdayaal joogtada ah sida habka koowaad, ama aadan haysan adeegyo aad iibiso sida habka labaad, waxaad isticmaali kartaa habkan oo ah habka iibka komishanka, afka qalaadna ku noqonaysaa (Affiliate marketing).
Habkani waa mid aad faa’iido u leh, maadaama aad dooranayso alaabta ama adeega aad rabto inaad suuqgayso, si loo iibsado, iib kaste oo adiga dartaa u dhaca, waxaa ku leedahay faa’ido cayyiman, oo ku xidhan alaabta ama adeega aad iibiso iyo goobta kuu ogolaatay inaad u suuqgayso alaabtooda ama adeegooga, waxaana jira goobo badan oo bixiya habkan ah iibka komishanka, waana kuwan kuwa ugu caansan:
- Amazon
- ShareASale
- ClickBank
- CJ Affiliate
- JVZoo
- Jumia
Ugu danbayntii, siyaabaha lacag looga sameeyo blog-ka kuma koobna intan oo kaliya, balse, waxaa jira tobanaan hab oo kala duwan oo loo adeegsado in lacag laga sameeyo.
2 comments on “3 Siyaabood Oo Aad Lacag Uga Samayn Karto Blog-Kaaga”
Omar.rage@hot.comail.com
Omar.rage@hotmail.com
Pingback:
Shaqayso adigoo gurigaaga jooga (6 shaqo) - Gellebashir