Shaqo La’aanta Ka Jirta Wadankii
Shaqo la’aanta jirta awgeed, dhallinyaro badan ayaa waxay noloshu ku khasabtay inay tahriibaan, si ay nolol tan hadda ay ku jiraan dhaanta u raadsadaan, iyagoo safarro khatar ah ku gala saxaraha iyo baddaba.
Arday badan oo karti iyo aqoonba leh ayaa sanad walba ka soo baxa jaamacadaha gudaha dalka Soomaaliya, qaar badan oo ka mid ahina waxay wataan rajo ah inay abuuraan mustaqbal rajo leh oo heer shakhsi ah, hasa yeeshee, riyooyinkoodu waxay hortaagan xaqiiqada ah shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.
In ka badan 60% dhalinyarada ku sugan dalkii wuxuu hamigoodu yahay inay dalkii ka baxaan, si ay u helaan fursado nololeed oo ka wanaagsan tan hadda ay ku sugan yihiin.
Shaqo la’aantu waa dhibaato haysata dalal badan oo horumaray iyo kuwa aan hormarinba, oo haatan soo koraya, waxayna saamayn weyn ku leedahay da’aha kala duwan ee bulshada, iyo sidoo kale dhaqaalaha dalka.
Shaqo la’aantu waa mid ka mid ah ereyada sida aadka ah u faafay, ka dib soo ifbixii kacaankii warshadaha, tan iyo intii wakhtigaa ka danbaysayna dadku waxay u han-qal taagayeen in ay helaan fursado shaqo.
Taariikhyahano badan, saynisyahano bulsheed iyo kuwo siyaasadeedba ayaa si isku mid ah isku raacay in mid ka mid ah sababihii dhaliyay kacdoonadii iyo dagaaladii Yurub ka socday ay ahayd shaqo la’aan jirta awgeed.
Dhibaato Kasta Sabab Ayay Leedahay, Haddaba Maxaa Sababay Shaqo La’aanta Ka Jirta Dalka?
- Xaaladda siyaasadeed
- Dhaqaalaha dalka
- Isbadeleda cimilada
- Taageero la’aanta da’yarta dalka
- Soo jiidasho la’aanta maalgashi shisheeye
Iyo sababo kaloo badan, hasa yeeshee intani waa inta ugu mugga weyn, marka ay timaado dhinaca “DALKA“, laakiin se hadii aynu dib u milicsano dhinaca “SHAKHSIGA” (qofka shaqo doonka ah), waxaynu ogaanaynaa in dhibka ugu weni ee haysta qofka shaqo doonka ahi, uu yahay isla isaga laf-tiisa, maadaama aanuu xirfado badan lahayn, taasoo keentay shaqo la’aantan.
Dhalinyarada ayaa loo aqoonsan yahay inay qayb muhiim ah ka yihiin bulsho kasta, sidaa darteed baan waxaan wadamada horumaray uga aragnaa inay diiradda saaraan dhalinyaradooda, isla mar ahaantaana dadaal badan ay ku bixiyaan.
Dadkii u haystay in cilmigu yahay hub lagu wajaho faqriga (saboolnimada) ayaa muddo ka dib waxay la fajaceen fursad la’aanta ka jirta suuqa shaqada, hadaba su’aasha taagan ayaa ah, ma ardeyga Soomaaliyeed baa si fiican wax u baran?, mise wuxuu bartay ayaa ah wax aan suuqa qiimo ku lahayn?, misa habka iyo hanaanka iyo tayada wax-barashada ayaa ah mid liidata?.
Si aan uga jawaabno su’aalahan, waa in aan marka hore dib u yara milicsano sida jaamacadaha soomaalida ay ardaydooda ugu diyaariyaan suuqa shaqada, iyo nooca xirfadaha ay baraan inta ay ku guda jiraan sannadahaas waxbarasho.
Einstein waxa uu yidhi: “Ardaygu maaha weel ay tahay in aad buuxiso, balse waa holac ay tahay in aad shido”.
Nasiib darro, aragtidaasi way ka maqan tahay jaamacadaha qaar, waxa ugu ee ay daneeyaanna waa in uu ardaygu qaato ama uu dhamaysto dhamaan saacadihiisa wax-barasho ee looga baahnaa, ugu danbayntiina uu qalin jabiyo.
Xalku See Muxuu Yahay?
Isku soo wada duub, xalka ugu weyni waa inaad suuqa shaqada u diyaar garwdaa, ka hor inta aanad jaamacad galin, ama ugu yaraan inta aanad ka qalin jabinin, si aanad hadhoow uga amakaagin suuqa shaqada.
Hadii se ay dhacdo inaad soo qalin jabiso jaamacadii, suuqana aanad wali diyaar u ahayn, wali hadana waxaad haysataa fursad, taasoo ah inaad hadana dib ugu diyaar garwdo suuqa shaqada.
Haddaba marka aynu leenahay suuqa shaqada u diyaar garoow, maxaynu ula jeednaa?, si fudud, baro xirfadaha suuqa shaqada baahi weyn looga qabo.
Sii Daalaco: Freelancing: Shaqooyinka Ugu Muhiimsan Uguna Caansan Ee Looga Baahan Yahay Suuqa Shaqada
Kacaanka tignoolajiyada sida AI ama Automation-ka, ayaa gabi ahaanba bedeli doona aragtidii guud ee ay la hahayd muuqaalka shaqada, iyadoo ay meesha ka saari doonto shaqooyin badan (amaba ka saartay wakhti xaadirkan).
Halka dhanka kale, xirfadaha qaar ay noqon doonaan kuwo aad u muhiim ah, in kastaoo xirfadaha qaar oo hadda u muuqda inay muhiim yihiin, ayaa waxaa dhici karta in muddo ka dib ah ay noqon doonaan kuwo suuqa shaqada aan wax qiimo ah ku lahayn, taasina micnaheedu ma aha inaad waayi doonto xirfadaada, ee waa ay qiimo beelaysaa (waa hadiise aad ku shaqaysato).
Sidaa darteed, waxaan kula wadaagi doonaa muuqaal dhamaystiran, kaasoon ugaga hadlayay, 5 xirfadood oo suuqa shaqada baahi weyn looga qabo, waana xirfado aad iskaa isku bari karto, isla mar ahaantaana aad iskaa ugu shaqaysan karto.
Mohamed Abdikadir Ahmed
My name Mohamed Abdikadir Ahmed. l am graduated man i’m interested new apportunity in this sessions
Gelle Bashir
welcome wll
Abdullahi maxamed maxamud
Waad mahadsantahay marka hore wll gelle
Hal mid maku weydii karaa ah ma helaa course graphic design oo free ah
Rudwaan
Waan ubaahanahay
Nastexo salaad maxamad
Wad mahad San thy Balse hal mid a jirto 🫣somaliya wax Barasho ma talo waxana ku dhahay
Kama fikiran arday ka waxa ma fahmay balse waxay ka fikiran ma dhamaday boga mala qaday casharka maso xadiray arday kaa 😕balse haddi markasto arday si dagan wax lo fahan siyo waxa kaga yaba iney waxas ka badan fa idan
Gelle Bashir
thanks wll for the information
Muscab Sharif
Waan u baahanahay
Gelle Bashir
thanks wll
Salmaan
Haa waa heli Kartaa wll adigoo mobile kaaga isticmaalaayo youtube ka tag ku qor full course graphic designer in pixellab
Waxaa jiro app aad kusameyn karto design ka aadrabto ama looga ha ahaato iyo poster app ka magiciisu waa ( pixellab )