Siyaabaha Aad Ku Kordhin Karto Dakhligaaga Billaha Ah, Adigoo Gurigaaga Jooga
Moha
2 Comments
August 9, 2023
Siyaabaha Aad Ku Kordhin Karto Dakhligaaga Billaha Ah, Adigoo Gurigaaga Jooga
Ka hor inta aynaan ka hadlin hababka kor u qaadaya dakhligaaga billaha ah, waa inaan marka hore ku baraarugno inay farqi u dhaxeeyaan hababka dakhliga loo kasbado iyo hababka dakhliga kor loogu qaado.
Waxayna maanta ka hadli doonaa habab kaa caawinaya inaad dakhligaaga kordhiso, adigoon ku khasbanayn inaad ka shaqayso meel ka baxsan gurigaaga, bilawga safarkaaga horena dakhligan looma tixgalin karo mid sugan ama aasaasi ah, waxaana hababkan ka mid ah kuwan soo socda:
1. Bixinta Casharrada Gaarka Ah:
Haddii aad tahay macalin isla mar ahaantaana ku shaqaysta, ama aad haysato shahaadooyin aqooneed oo kugu filan oo aad casharro ku bixin karto, waxaad ku bixin kartaa casharro gaar ah xilliga aad guriga joogto, ama maalmaha aad fasaxa haysato, adigoo u qoondeynaya xilliyo iyo dadway gaar ah.
Waxaana haboon in qarashka ku baxaya casharadaada gaarka ah ay ka hooseeyaan qiimaha machadyada gaarka ah iyo xarumaha bixiya koorsooyinka waxbarashada, si aad u soo jiidato arday badan, maadaama aysan dadkoo dhan awoodin inay carruurtooda wax ku bartaan machadyo gaar ah.
Tusaalooyinka:
Inaad noqoto macalin quraaneed oo online ah (Waana tan soomalideena ku badan waayahan danbe)
Internetku wuxuu ka mid yahay habaka ugu weyn ee lagu kordhiyo dakhliga, intaa uun ma ahaa waayadan danbe wuxuu dad badan u noqday il dakhli dhaqaale oo sugan.
Internet-ku waa meel uu qofku ku noqon karaan cidda uu rabo, isagoo waliba haysta fursado badan oo kala duwan, oo ay ka mid tahay lacag smaynta, waana muhiim in la ogaado hababka iyo waddoyinka kala duwan ee la marayo si internet-ka lacag looga sameeyo, ka hor inta aan la bilaabin, maxaa yeelay waxaa jira waddooyin qaadan doona dadaal iyo wakhti ka badan waddooyinka caadiga ah, taa bedelkeedana waxaad samayn doontaa dakhli dheeraad ah mustaqbalka.
Internetku waa meel aad ugu fiican ganacsatada, wuxuuna siisaa fursad weyn, taasoo ah inay malaayiin macaamiil ah heli karaan, wuxuuna internet-ku u noqotay aalad muhiim u ah.
Waxaa jira siyaabo badan oo internet-ka lacag looga sameeyo, mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan uguna wax tarka badan ee maanta jira waa in badeecad/adeeg lagu dhex iibiyo internetka dhexdeeda.
Tusaalooyinka:
Yeelashada Kalaan YouTube Ah
Qorista Maqaaladda (Blogging)
Suuqgeynta Komishinka Ah (Affiliate Marketing)
Talo Bixiye (Consulting)
Bixinta Adeegyo Gaar Ah, Sida (Graphic Design, Video Editing, UI UX Design, Web Design & Development, iwm)
3. Iibinta Alaabta
Bilawga, tani waxay u baahan tahay tiro lacag ah, haddii aad heli karto lacag, ama aad mushaharkaaga bil walba ka kaydsan karto in ka mid ah, waxaad iibsan kartaa ood soo waaridan kartaa alaab ama badeecad aad ku suuqgeyn karto agagaarkaaga.
Wakhti xaadirkan doorashada badeecad ama alaab aad bay u badan yihiin, Waana inaad si taxadar leh uga fikirtaa waxa ugu badan ee dadka kugu xeeran ay u baahan yihiin, ama ay rabitaan dhab ah u leeyihiin.
Tusaalooyinka:
Inaad iibiso dharka
Inaad iibiso kabaha
Inaad iibiso cadarka
Inaad iibiso waxyaalaha la isku qurxiso
Inaad iibiso telefoonada noocyadooda kala duwan
Hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsigan ah iibinta alaab waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad, isagoo waliba ku salaysan intetnet-ka.
Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.
2 Replies to “Siyaabaha Aad Ku Kordhin Karto Dakhligaaga Billaha Ah, Adigoo Gurigaaga Jooga”
Waxan rajeenaya in aan wax ka fa iidayo insha allah
thansk wll