Fursadaha Lacag Samaynta Online-ka Ee 2024

  • August 15, 2024
  • Comment 1

Fursadaha Lacag Samaynta Online-ka Ee 2024

Sanadka 2024, oo haatan sii gabaabsi ah, wuxuu wattay fursado u gaar ah, sida kor u kaca weyn ee ku yimid tignoolajiyadda.

Gaar ahaan, waxaa si xad-ka-bax-ah u sii fiday AI-da ama Garaadka Samayska Ah.

Hagaag, dad badan ayaa haatan raadinaya habab cusub oo ay ku yeelan karaan ama ay ku samaysan karaan dakhli cusub oo online ah.

Halkan waxaan ku eegi doonaa qaar ka mid ah fursadaha ugu muhiimsan ee lacag samaynta online-ka sanadkan.

1. Ganacsiga E-commerce-ga Ah:

Ganacsiga e-commerce-ga ahi wali waa mid aad u sii kobcaya sanadba sanadka ka danbeeya, gaar ahaan gayigeena soomaaliyeed.

Waxaadna si fudud u yeelan kartaa dukaan online ah, isla mar ahaantaana ku iibin kartaa badeecooyinkaaga iyo adeegyadaadaba.

Waxaan kuu diyaarinay koorso dhamaystiran oo hufan oo aad ku baran karto wax kasta oo ku saabsan ganacsigan e-commerce-ga ah.

Soo dalbo koorsada, adigoo riixaya WhatsApp link-gan.

2. Freelancing:

Xirfadlayaal badan oo kala duwan ayaa haatan fursad u helay inay lacag ka sameeyaan xirfadahooda, iyagoo la kaashanaya shirkado ama shaqsiyaad u baahan adeegyo gaar ah.

Haddii aad ku fiican tahay qoraalka, naqshadeynta, horumarinta software-da, suuqgeynta, ama xirfado kale, waxaad ka samayn kartaa dakhli wanaagsan, adigoo u soo bandhiyaga shakhsiyaadka iyo shirkadaha u baahan xirfadaha aad taqaano, ama ku soo bandhigaya goobo shaqada sida Upwork, Fiverr, ama Freelancer.

Hadii aad rabto inaad barato xirfadahan midkood, booqo website-keena qeybta academy-da oo halkaa ka xulo koorsada aad rabto. ama ka soo dalbo  WhatsApp link-gan.

  • Basic Computer
  • Video Editing
  • Graphic Design
  • E-commerce & Digital Marketing
  • Blogging
  • Alibaba

3. Cryptocurrency:

Cryptocurrency waa suuq kor-u-kac weyn sameeyay sanadkan 2024, iyadooynu ognahay in “Bitcoin” ay isla sanadkan gudaheedii gaadhay heerkeedii ugu sarreeyay.

Dad badan iyo dawlado qaar ayaa ka faa’idaystay kor-u-kaca weyn ee ku yimid lacagahan cryptocurrency-ga, gaar ahaan Bitcoin iyo Ethereum.

Hadii aad xiisaynaysid barashada cryptocurrency bilaw ilaa dhamaad, oo ay faham yari kaa haystato ama si guud aad tahay qof aan gabi ahaantiiba aqoon u lahayn, waxaynu kuu diyaarinay koorso kaa haqab tiraysa baahidaa ah aqoon yarida.

Koorsadani waxaynu ugu talagalnay qof kasta oo bilaw ku ah, ama dhexdhexaad ku ah lacagahan loo yaqaan “cryptocurrency”, isla mar ahaantaana doonaya inuu suuqan ku soo biiro, oo uu maalgashto, ama ugu yaraan uu faham buuxda ka qaato.

Soo dalbo koorsada, adigoo riixaya WhatsApp link-gan.

Gabgabadii

Sanadka 2024, waa sanad fursadihiisii gaarka ahaa wattay, isagoo bixinayay fursado la taaban karo oo wax-ku-ool ah.

Hadii aad doonaysid inaad noqoto freelancer iskii-u-shaqaysta, ama aad rabto inaad yeelato dukaan online ah, amaba aad rabto inaad noqoto maalgashade cryptocurrency ah, waxaa muhiim ah, oo lama huraan ah inaad u diyaargarowda bilaw cusub, hesho aqoon kugu filan, isla markaana xoojiso xirfadahaaga, si aad ugu danbayntii ugu guulaysato safarkaaga.

Fursadaha waa kuwo ballaaran, kaliya waxay u baahan yihiin qorshe iyo dadaal joogto ah.

La xidhiidh qoladeena caawimaadka, hadii aad u baahan tahay qaar ka mid ah koorsooyinkeena, +252-90-5582875 ama guji link-gan.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×