NVIDIA Miyay Dhaafi Doontaa Apple Iyo Microsoft?
Suuragal miyay tahay in shirkad aan sidaa caan-u-ahayn dhaafto Apple iyo Microsoft? Waa wax aan loo baran sow ma ahan?
Nvidia, oo caan ku ah soo saarista chips-ka elektarooniga ah, ayaa ka mid ah shirkadaha ugu qiimaha badan adduunka, iyada oo ay ugu wacan tahay soo if baxa ama kor u kaca ku yimid majaalka AI-da (Garaadka Samayska Ah).
Chips-yada ay soo saarto Nvidia waxa si weyn u isticmaala shirkadaha tignoolajiyada si ay u horumariyaan majaalada kala duwan ee ay AI-da gasho, taasoo kor u kac weyn u keentay baahida loo qabo chips-yadan.
Saamiyada Nvidia ayaa markhaati ka ah in ka badan lix-laab korriin ah, tan iyo bilowgii sannadkii hore.
Sida laga soo xigtay Business Insider, qiimaha Nvidia ayaa hadda kor u dhaafay qiimaha Amazon, oo lagu qiyaasay $1.8 trillion, iyo Alphabet, oo ah shirkadda leh Google, oo iyadana lagu qiimeeyo qiyaastii $2.1 trillion.
Saadaasha ayaa sheegaysa in NVIDIA ay dhaafi doonto Apple, oo ah shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan adduunka, markii laga yimaado microsoft, taasoo lagu qiimeeyo qiimo dhan $2.99 trilliton dollar.
Sidoo kale, saadaasha ayaa sheegaysa in NVIDIA aysan dhaafi doonin oo kaliya Apple, ee laga yaabo xitaa in ay dhaafto Microsoft, oo haatan ah shirkadda ugu qiimaha sarraysa adduunka, taasoo lagu qiimeeyo qiimo dhan $3.1 trillion.
NVIDIA badeecadaheeda iyo wax-soo-saarkeedaba si toos ah uma isticmaalno, hasa ahaatee qab weyn ayay ka yihiin isiticmaalkeena maalinlaha ah.
Sidee?
Ugu badnaan, si maalinle ah baynu u isticmaalnaa agabyadan soo socda qaar kood ama ugu yaraan midkood: iPhone, Phone, iPad, MacBook, Laptop, Desktop, Playstation iyo Xbox.
Sidoo kale, Google ayaan si maalinle ah wax ka raadinaa, Youtube-na wax uga daawanaa, ha ka reebin baraha bulshooyinka kale sida TikTok, Facebook, X, iwm.
Waxaan meesha ka madhneed wixii maaliyadda iyo dhaqaalaha ku saabsanaa sidii iibka online-ka ah, bank-yada, xawaaladaha, qodidda cryptocurrency-da (crypto mining), iwm.
Dhammaan waxaan xusnay oo idil, waxay u baahan yihiin chips-yo elektarooniga ah oo horumarsan, si loo adeegsado, ama ay ula falgalaan (AI – Garaadka Samayska Ah) taasoo keentay ama kor u qaaday qiimaha shirkadda NVIDIA.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing
Our Courses
- Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
- Ecommerce & Marketing Course
- Graphic Design Course-Master Class
- Basic Computer And Office Mastery
- Blogging Google AdSense Course
- Somali Alibaba Online Course
Mohamedek
Macalin waxan raba sithaa lo malgashto stock marke halken kabilawa course kusabsan mahysaa
abdirahman ahmed
course kaas dad badan baa naga soo codsadey, insha allah wn so wadaa thanks
Hassan abdi
Xasan abdi
Abdirisak
SIDEEN U SAMEYSAN KARAA BLOG GUULAYSTA MAXAADSE IGULA TALIN LAHAYD USTAAD
Mohamed
Course ayaan rabay oo cryptocurrency
abdirahman ahmed
fadlan whatsppkena nagala soo xiriir
FAWEN
MASH ALLAH WAA AKHBAAR TAYO LEH MAHADANID BRO LKN WAXAN RABA INAAN SAMAYSTO BLOGGER EE MA IGA CAWIN KARTA DEE
abdirahman ahmed
haa wll , fadlan nala soo xiriir
Mohamet
waxa telegram yimi team la dhaho * HALAAL INVESTMENT CENTER* KUWAAS OO dhahay waxaany kuu samayn doona maalgashi kaas oo soconaya 24/h
Small INVESTMENT ga ay ku shaqeeyaan waa
100$ hel 1000$
200$ hel 2,000$
600$ hel. 6,000$
Yacni qaab saas ah Naga soo hupi ustaad.
Gelle Bashir
fake weeyey ka carar , scam weeye iska blog gare wll