Qoraalka: Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacag Looga Samayo Wax-Qorista 2023
Moha
10 Comments
August 2, 2023
Qoraalka: Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacag Looga Samayo Wax-Qorista 2023
Qoraalku waa mid ka mid ah hababka aasaasiga ah ee internetka lacag looga sameeyo, ka sokow inuu yahay hab wax ku ool ah oo lagu cabbiro fikradaha iyo dareenka, gudbinta aqoonta iyo khibradaha, ballaarinta fahamka iyo wacyiga, sidoo kalena waa il dhaqaale oo wanaagsan.
Qoraalku waa hab wanaagsan oo lacag dheeraad ah lagu kasbado, adigoon ku khasbanayn inaad maalintii shaqayso siddeed saacadood.
Haddi aad qoraalka u adeegsanayso inaad dakhligaaga ballaadhiso oo badiso, ama aad u adeegsanayso hadaf shaqeed oo mustaqbalka fog ah, waxay qaadan kartaa dadaal iyo wakhti badan, laakiin hubaal waa u qalantaa.
Taas awgeedna, waxaad u baahan doontaa inaad barato farsamooyinka iyo hababka kala duwan ee qoraalka lacag looga sameeyo internet-ka.
Si aad xirfadahaaga qoraalka ah aad ugu beddesho dakhli wanaagsan oo dheeraad ah, waxaynu kuu diyaarinay liis dheer oo ku saabsan siyaabaha ugu wanaagsan ee lacag looga samayo wax-qorista 2023.
Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacag Looga Samayo Wax-Qorista 2023
1- Qorista Madaxa Bannaan
Faa’iidada laga helo qorista madax-bannaanidu waxay ku xiran tahay helidda mashruuc ilaa ka mashruuc, halkii ay ka ahaan lahayd shaqo joogto ah.
Qorista madaxa bannaan waxaa soo hoos gala noocyo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin, qorista maqaalada, qormooyinka, wargaysyda, warbixinada, tirakoobyada, iwm.
2- Qorista Blog-Yada
Qorista blog-yada waa nooc ka mid ah qorista madax-bannaan, kaas oo ah curinta nuxur la habeeyey oo u gaar ah dadwayne gaar ah, taas oo lagu beegsanayo dhagaystayaal gaar ah ama dadweyne gaar ah.
Waxaad kaloo samayn kartaa, halkii aad wax u qori lahayd blog-yo ay leeyihiin dadyaw kale, waxaad adu laf-ahaantaada u samaysan kartaa blog kuu gaar ah, isla mar ahaantaana aad lacag ka samayn karto.
Dhab ahaantii, waxaa jira siyaabo badan oo aad lacag uga samayn karto blogging-ka. Waa kuwan qaar ka mid ah hababka ugu waxtarka badan:
Google AdSense platform, waa shabakad xayaysiismeed oo caan ah, oo leh shirkadda Google, kaasoo kuu ogolaanaysa inaad blog-gaaga ku soo bandhigto xayeysiismaha google adsense, oo aad sidaa lacag uga samayso booqdayaasha soo booqda blog-kaaga, waana bilaash ku biiritaankooda. Marka lagu reebo Google AdSense, waxaa jira shirkado kale oo badan oo xayeysiismeed, oo la mid ah google adsanse, sida: Media.net, Infolinks iyo PropellerAds oo aad dhamaantood lacag uga samayn karto.
Qofka copywriting-ka ahi waa inuu lahaadaa xirfado wanaagsan, oo ay ka mid yihiin samaynta qoraallo qancin iyo soo jiidasho leh, kuwaasoo looga dan leeyahay in macmiilka lagu dhiirrigeliyo iibka alaabta ama adeega.
10 Replies to “Qoraalka: Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacag Looga Samayo Wax-Qorista 2023”
10 Replies to “Qoraalka: Siyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Lacag Looga Samayo Wax-Qorista 2023”
Allhamdulah
adaa mudan wll
Saxib gelle Bashir mahadsanid
adaa mudan wll
Excellent as always thanks brother Gelle
Mhdsnid
welcome wll
I like this
I like this
I like this