Markii ay kordheen tirada dadka leh ganacsiyada iyo mashaariicda cusub iyo dadka saamaynta ku leh baraha bulshada, suuqgeyntu waxa ay noqtay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan internetka wakhti xaadirkan.
Waxaa jira siyaabo badan oo lagu noqon karo suuqgeye hal-abuur leh oo xirfad leh, hasa yeeshee waxaynu xusaynaa 3 xeelad oo ka mid ah xeeladaha suuqgeynta, taasooy adeegsadaan suuqgeeyayaal badan, oo ay ka mid yihiin:
1. Baro Oo Ogow Dadka Aad Beegsanayso:
Ogaanshiyaha dadwaynahaagu waa furaha ugu muhiimsan ee aad ku guulaysan karto marka aad tahay “suuqgeeye“, Mana soo gudbin kartid waxa ay macaamiishaadu daneeyaan ama ay xiiseeyaan haddii aanad si fiican u qeexinkarin ama aanad baran shakhsiyadooda, danahooda, rabitaanadooda iyo dhibaatooyinkoodaba.
Dadwaynaha la beegsanayo waxaa lagu qeexaa inay yihiin koox ka mid ah dadka, kuwaasoo loo aqoonsaday inay yihiin macaamilka alaabtan ama adeegan, waxayna wadaagaan sifooyin bulsho oo isku mid ah sida:
Da’da.
Jinsiyada Lab/Dhadig.
Goobta
Aqoonta
Xaalada Bulsho Iyo Midda Dhaqaale.
Tusaale ahaan: Ka soo qaad in dadka la beegsanayo ay yihiin dadka xiiseeya Kubbada Cagta isla mar ahaantaana ku sugan magaalada Dubai, Markaa suuqa la beegsanayo ayaa noqon doona Ciyaaryahanada kubbada cagta ee Dubai, ma aha dhamaan Ciyaaryahanada kale ee ciyaara kubbada cagta.
2. Diirada Saar Nuxur (Nich) Gaar ah:
Ka fikir hiwaayadahaaga, xiisahaaga, iyo meelaha aad wax badan ka taqaano, oo bilow inaad nuxur ka curiso halka aad is leedahay waad ku fiicnaan doontaa mustaqbalka.
Hadafkaagu yuusan noqon uun faa’iido oo kaliya. Waa inaad daacad u noqotaa oo aad ku qanacdaa alaabta ama adeega aad xayaysiinayso, Sidoo kale waa inaad aqoonsataa rabitaankaaga si aad u go’aamiso nooca nuxurka aad rabto inaad suuq geyso adoo eegaya mawduucyada aad inta badan xiisayso. waana tan waxa ay inta badan iska indhatiraan suuqgeynyaal badan oo cusub.
Si aad awood ugu yeelatid inaad xayaysiiso badeecad kasta ama adeeg kasta, waa inaad fahamtaa dhibaatooyinka ay xalliso ama faa’iidooyinka ay bixiso, si taas loo sameeyana waa inaad barataa dadwaynahaaga.
Leave a Comment