Sideen Ku Doortaa Nooca Ganacsiga E-commerce-ga Ah Ee Igu Habboon
Si aad u ogaato takhasuska ugu fiican ee ku habboon awoodahaaga, xirfadahaaga, iyo rabitaankaaga akadeemiyadeed, isla hadda Gelle Bashir la qabso kulan la tashi ah.
Astaamaha Shakhsi Ahaaneed Ee Hormuudka U Ah Ganacsiga E-Commerce-Ga Ah
Haatan, waxaan ku weydiin doonaa dhowr su’aalood, kuwaasoo ku saabsan tilmaamaha hurmuudka u ah ganacsiga e-commerce-ga ah, si aad u ogaatid in ganacsigan e-commerce-ga ahi uu wakhti xaadirkan si wayn ugu habboon yahay xirfadahaaga:
- Ma ku fiican tahay xirfadaha wada hadalka iyo gorgortanka?
- Dadka ma qancin kartaa?
- Ma ku fiican tahay tirakoobka?
- Ma leedahay xirfado maamul?
- Ma dejin kartaa qorshe suuqgeyneed oo cad?
- Ma leedahay shakhsiyad hoggaamineed?
- Ma xallin kartaa dhibaatooyinka?
- Ma leedahay af Ingiriis heer wanaagsan leh?
- Ma la socotaa wararka iyo horumarka ugu muhiimsan ee ku saabsan ganacsiga?
- Hal-abuur ma tahay?
- Ma leedahay xirfad shaqo kooxeed? mise waxaad doorbiddaa inaad kaligaa shaqeyso?
- Ma ku fiican tahay xirfadaha isgaarsiinta?
- Ma ku fiican tahay isticmaalka kumbuyuutarka, internetka, iyo aaladaha cusub ee tignoolajiyeed?
- Xirfad ma u leedahay baraha bulshada?
- Ma qori kartaa qormooyin, waraaqo iyo iimaylo?
- Ma tahay go’aan gaare wanaagsan oo leh xirfado go’aan qaadashada?
Haddii jawaabtaada ku aadan su’aalahan intooda badan ay tahay “HAA“. Hambalyo, waxaad tahay ganacsade wanaagsan.
Ganacsiga E-commerce-ga ah ma aha oo kaliya iibinta badeecad/adeeg iyadoo la adeegsanayo internetka, hasa yeeshee waa goob cilmiyaysan oo aad uga guda ballaadhan intaa!.
Sii Daalaco: Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?
Haddaba, waxaanu haatan isla eegaynaa noocyada ganacsiga e-commerce-ga ah, adigoo ka dooran doona nooca kugu habboon, waxaana xusid mudan in dhammaan noocyada ganacsiga e-commerce ay si guud yihiin xidhiidh dhex mara laba dhinac.
Ganacsiga B2B
Mid ka mid ah noocyada ganacsiga e-commerce ah, oo loola jeedo Business to Business (ganacsi ilaa ganacsi), waana nooca ugu caansan ee ka midka ah noocyada ganacsiga e-commerce ah.
Ganacsigan ayaa salka ku haya in shirkadi ay shirkad kale siiso badeecado ama adeegyo.
Ganacsiga B2C
B2C oo loola jeedo Business to customer (ganacsi ilaa macmiil) mid ka mid ah noocyada ganacsiga e-commerce ah.
Ganacsigan ayaa salka ku haya in shirkadi ay macaamiisheeda siiso badeecado ama adeegyo.
Ganacsi C2B
Mid ka mid ah noocyada ganacsiga e-commerce ah waa C2B oo loola jeedo Customer to Business, (macaamilka ilaa ganacsiga) ganacsigani maaha mid caan ah oo dad badankoodu ay garanayaan.
Laakiin waxa uu fiday wax yar ka dib markii fikradda ganacsiga e-commerce ah ay ku faaftay internetka.
Ganacsiga noocaan ah waxaa sameeyaa in shirkadaha iyo ganacsata loo soo bandhigo adeegyada ama badeecadaha ay macaamiishu u baahan yihiin.
Ganacsiga C2C
Waxaa ka mid ah noocyada ganacsiga e-commerce ah, fikradda ganacsiga C2C oo loola jeedo Customer to Customer (macmiil ilaa macmiil) waana ganacsi cusub oo ka duwan ganacsiyada kale.
Ganacsigan ayaa ka mid ah noocyada ganacsiga elegtarooniga ah ee dhexmara qofka macamiilka ah iyo macmiil kale, Waxayna tani ku dhacday faafitaanka wax iibinta internetka iyo baraha bulshada.
Ganacsiga B2G
B2G oo loola jeedo Business to Government (ganacsi ilaa dawlad) Ganacsiga noocaan ah ayaa u dhaxeeya shirkadaha ganacsiga iyo dowladaha iyadoo qeyb ka mid ah adeegyada ay bixiyaan shirkadaha ganacsigu u qoondeeyaan xarumaha dowladda.
Ganacsiga noocan ahi wuxuu u baahan yahay in dawladuhu ay ka heshiiyaan shirkadda si ay u sameeyaan shabakad dawladeed.
Ganacsiga G2B
G2B oo loola jeedo Government to Business (dawlad ilaa ganacsi) Ganacsiga noocan ahi waxa uu ka dhex dhacaa hay’adaha dawladda iyo shirkadaha ganacsiga, waxayna ka dhacdaa goobaha lacag-bixinta ee internetka.
Sida qof ama hay’ad marka uu lacagta hay’adaha dawladda ku bixiyo qaab online ah, shirkadaha lacag-bixinta waxay helaan boqolkiiba lacagtan, Sidaasina ayuu u dhacaa ganacsiga noocaan ahi.
Isku soo wada duub, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.
Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.
Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.