Sababaha Loo Bartilmaameedsado Dadka La Beegsanayo

Sababaha Loo Bartilmaameedsado Dadka La Beegsanayo
  • December 17, 2022
  • Comment 1

Sababaha Loo Bartilmaameedsado Dadka La Beegsanayo

Sababaha Loo Bartilmaameedsado Dadka La Beegsanayo

Bartilmaameedka aad dadka la beegsanayso waxay hubinaysaa in dadaalkaaga, laga bilaabo suuq-geynta ilaa adeegga macaamiisha, uu gaaro heerarka ugu sarreeya ee suurtogalka ah, iyada oo aan waxba lagu khasaareyn.

Waxaana Ka Mid Ah:

1) Kala Qaybinta Suuqa La Beegsanayo

Ka dib markii aad sameyso aragti kore oo ku saabsan suuqa aad beegsaneyso, waxaa loo baahnaan in la sii kala qaybiyo.

Ujeedada qaybtan ayaa ah in la hormariyo suuqgeyta gaar ah oo si heer sare ah loo habeeyo qayb kasta oo ka mid ah suuqan bartilmaameedka ah.

Waxaa jira afar nooc oo kala qaybinta suuqa ee bartilmaameedka ah kuwaas oo kala ah:

1. Kala Qaybinta Dadka: Taasi waa, u qaybinta dadwaynahaada iyadoo loo eegayo macluumaadka tirakoobka, sida da’da, jinsiga, heerka dakhliga, heerka bulshada, iwm.

2 .kala Qaybinta Noocyada: Halkan waa inaad u qaybisaa dadwaynahaada iyadoo loo eegayo arrimo nafsi ah sida fikradaha, xiisaha, qaab nololeedka, heerka bulshada iwm.

Tusaale Ahaan, haddii dadwaynahaagu ay xiiseeyaan ciyaaraha, waxaad bartilmaameedsan kartaa xayaysiisyadaada goobaha ciyaaraha, waxaad samayn kartaa olole xayaysiis isboorti ah, oo wadaaga waxyaabaha ciyaaraha la xiriira sida hambalyada iyo dhiirigelinta, iwm.

3. Kala Qaybta Juqraafiyeed: Kala qaybinta noocaan ah macneheedu waa in shaqsiyaadka loo qaybiyo iyadoo loo eegayo aagga ay ku nool yihiin.

Macaamiisha qaar ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwa maxaliga ah, iyo kuwa kale oo ka yimid gobol ama waddan kale, qaybtani waxay kaa caawinaysaa inaad bartilmaameedsato adeegyadaada oo aad kor ugu qaaddo si wax ku ool ah.

Haddii macaamiishaadu ay ku nool yihiin waddan kulul, tusaale ahaan, kor u qaadida badeecooyinka kulaylka la xidhiidha inaanay ahayn fikrad wanaagsan.

Halkan, sidoo kale, waa qodob muhiim ah. Wadamada qaar ayaa laga yaabaa inay la kulmaan masiibooyinka dabiiciga ah ama dhacdooyinka daran. Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad u muujiso macaamiishaada xoogaa dareen ah iyo isku xirnaanta waqtiyadan halkii aad si toos ah u suuqgeyn lahayd alaabtaada.

4. Kala Qaybinta Habdhaqanka: Halkan waxaad u kala qaybinaysaa macaamiishaada hadba sida ay ula falgalaan summadaada.

Tusaale Ahaan, Haddii aad tahay mulkiilaha dukaanka onlayn (online) ah, Waxaad u kala qaybin kartaa macaamiishaada cidda samaysay iibkii ugu dambeeyay 30-kii maalmood ee la soo dhaafay, kadib Waxaad ku bartilmaameedsanaysaa olole iimayl ah (Email) si ay dib ugu soo noqdaan goobta.

Ama inaad beegsato kuwa alaabada kaga tagay salada wax iibsiga iyagoon dhamaystirin habka wax iibsiga, iwm.

Guud ahaan, kala qaybinta suuqa aad beegsanayso waxay awood u siinaysaa suuqgeyn wax ku ool ah, adoo siinaya adeegga macaamiisha saxda ah, iyo adoo u diraya nuxurka saxda ah dadwaynaha aad xiisaynayso.

2) Kharash Wax Ku Ool Ah

Waxaa laga yaabaa inaanan buunbuunin haddii aan nidhaahno Go’aansashada dadka la beegsanayo waxay dhab ahaantii kugu kici doontaa kharash badan.

Sababtu way sahlan tahay, suuqgeyntu, ha ahaato mid dhijitaal ah ama mid caadi ah, waxay u baahan yihiin xayeysiis, xayeysiiskuna wuxuu u baahan yahay maalgelin. Hadafka halkan waa in la maalgeliyo, Si aad u hesho faa’iidada iibka ay ololahani samayn doonaan ka dib marka ay gaaraan macaamiisha ku habboon.

Goortii aad lacagtaas ku kharash garayso nuxur ama farriin suuqgeyneed ee gaadhaysa dadwaynaha aan dan ka lahayn, Adigu sidaa waxaa tahay mid khasaaray, Waligaana waad lumsanaan doontaa, Sidaa darteed, beegsiga saxda ah wuxuu awood kuu siinayaa inaad hagaajiso istiraatiijiyadda suuqgeyneed, oo aad hesho soo celinta ugu sareysa ee maalgashiga.

Hal mar oo kale, Ma jirto wax faa’iido ah oo lagu beegsanayo qof walba, adiga oo rajeynaya inaad kordhin doonto fursadahaaga guuleysiga, Dhab ahaantii waxay kugu kici doontaa kharash aad u badan, Waxaana laga yaabaa inaad ku dhamaato adigoon wax faa’iido helin (faa’iido eber ah).

3) Dhisidda Xiriir Adag Oo Lala Yeesho Macaamiisha

Sababtoo ah waxaad u dirtaa fariin iyo nuxur iyaga khuseeya, waxaadna siisaa adeeg ama badeecad daboolaysa baahidooda ama ka caawisa inay ka gudbaan dhibaatooyinkooda, taas beddelkeeda waxaad helaysaa kalsoonidooda iyo daacadnimadooda.

Barashada iyo kala sooca dadwaynaha la beegsanayo waxay awood kuu siineysaa inaad ogaato caqabadahooda iyo dhibcooyinka xanuunka ee ay la kulmaan, Markaa, waxaad si sax ah u garanaysaa waxay u baahan yihiin si ay caqabadahaas uga gudbaan una buuxiyaan meelaha bannaan.

Sii Daalaco: Waa Ayo Dadka Aad Beegsanayso?

Sidoo Kale: Sidee u Samaystaa Caado fiican | ATOMIC HABITS

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×