

Blogger ama WordPress … keebaa fiican, se keebaa igu habboon. waa su’aal ay ku jahawareersan yihiin dadka qaar, gaar ahaan dadka bilowga ah ama dadka doonaya inay samaystaan blog cusub. Haddii aad ka mid tahay kuwaas, ogow inaad ku sugan tahay maqaal wax tar leh oo aad ka heli doonto talooyin ku saabsan doorashada goobta kugu habboon, iyo farqiga u dhaxeeya labada goobood haday noqon lahayd Blogger ama WordPress.
Kahor intaynaan guda galin maqaalkeenan aynu ka hadalno arin ay badankeenu khalad fahmeen oo kala ah Website, Bolg, Blogging, iyo sidoo kale Blogger. Mid walbana aynu qeexno. Si aad fahan guud uga haysato waxa ay yihiin.
Waxaa laga yaabaa inaad raadineyso farqiga u dhaxeeya labadan goobood sababtuna waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad sameysato website ama blog si aad ugu soo bandhigdo maqaallo ama adeegyo, ama ganacsigaaga aad u dooneyso website, ama aad dooneyso website E-commerse ah si aad alaabtaada ugu iibiso, ujeedaday doontaba ha ahaatee, maqaalkan sabata loo qoray ayaa ah in uu kugu hago jidka ama waddada saxda ah si aad u ogaato kan kuu wanaagsan ama kugu habboon Blogger mise WordPress, sidaa darteed waa inaad diirada saartaa oo fiiro gaar ah aad u yeelataa akhrinta maqaalkan, waxaana rajeyneynaa inaan si wadajir ah u gaarno hadafkaaga ah goota kugu habboon.
Blogger waa madal ay leedahay shirkadda Google, qofkastana u ogolanaysa in uu si bilaasha ah u samaysto website daqiiqado gudahood, waana aalad lagu daabaco maqaallada iyo wargaysyada. Sidoo kale lagu soo badhigo muuqaaladda iyo sawirada, IWM.
WordPress waa mid ka mid ah aaladaha loogu isticmaalka badan yahay ee loo adeegsado samaynta iyo maareynta website-yada ama blog-yada, waxa ay awood kuu siineysaa in aad samaysato nooc kasta oo website ama blog ah ee aad rabro, sidoo kale waxaad si fudud ku maamuli kartaa goobtaada, waxayna ku dhisan tahay luuqada caanka ah ee “PHP”. waana barnaamij furan oo uu qofkasta soo dejjisan karo.
Waqtigan xaadirka ah, WordPress ah waa goobta loogu isticmaalka badan yahay marka ay noqoto samaynta website-yada ama blog-yada. sida laga soo xigtay mareegaha caanka ku ah tirakoobyada website-yada ee W3Techs, Tirakoobka ayaa sheegaya in 43% dhamaan Website-yada ku jira internetka lagu dhisay WordPress, Taas oo macnaheedu tahay in ka badan saddex meelood meel ka mid ah website-yada internetka ay ku dhisan yihiin nidaamka WordPress. Si kale haddii aan kugu dhigo, 5tii website ee ku jira internetka 2 ka mid ahi waxa ay ku dhisan yihiin WordPress!.
Sii Daalaco: Waa Maxay Shahaadada SSL Iyo Muhiimadda Ay Leedahay
Sidoo Kale: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga
Haatan waa inaad ka fikirtaa madasha aad dooran lahayd, adigoo raacayya tilmaamahaaga iyo rabitaanadaada, iyo sidoo kale doonistaada. Laakiin si guud, hadii aad bilaw tahay oo aanad haysan kharash aad ku bilawdo ama caqabad kale ku haysato, islamarkaana aad Doonayso inaad bilawdo mashruucaagan waxaa kuu fudud oo ay doorashadu tahay Blogger. Se hadii aad rabto inaad awood buuda ah u yeelato website-kaaga ama blog-gaaga iyo doonistaada kuu gaarka ah, markaa iyada ah waxaa kugu habboon oo ay doorashadu tahay WordPress
Waxaad se haysataa xurriyada aad ku doorato madasha kugu habboon. Waxaanan rajaynayaa in maqaalku uu noqdo mid faa’ido leh. Sidaa darteed nagu la wadaag ra’ayigaaga qaybta faallada
6 Replies to “Waa Maxay Farqiga u dhexeeya Blogger iyo WordPress”
Asc Ustaadii Alle ha kaa abaalmariyo Ustaad vedio dhanka Youtube nooga soo sameey sida loo bari karo website-kaada google. Si kale hadaan u dhaho sidee website-keygau ugu heli karaa organjc traffic ?
masha allah ustaad waad mahadsantahy ustaad waxbadan baan kafaide allah hakaa abaal mariyo juhdiga iyo dadalka miiran oo aad dhalinyaradena uheydo
Asc ustaad Gelle Bashir
Ani hadertan ploger iyo WordPress 2 daas wan ku kala wareersana lkn hadertan wat iga jahil bixisey runtii in an wabsite Sameysto ayan rabey mitka an Doran laha ayan ku kala wareersana lkn hadertan wan ka jahil baxey mitkan doran laha wa WordPress PHP
[…] Sii Daalaco: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya Blogger Iyo WordPress […]
Asc
wasalaam wll