Shirkadeena Door Intee Le’eg Ayay Ku Leedahay Samaynta Website-yada
Yeelashada website wakhti xaadirkan wuxuu noqday mid lama huraan ah, mana jirto meel looga baxsado xaqiiqdan, iyadoo ay ugu wacan tahay faa’iidooyinkeeda badan ee aan mararka qaar la soo koobi karin, waxaana isku dayaynaa inaan fikrad guud kaa siinno muhiimadda ay leedahay yeelashada website.
Isla wakhti xaadirka aad akhrinayo maqaalkan, waxaa internetka wax ka raadinaya macaamiil badan oo badan, wax raadintaasna waxay noqon kartaa mid ku salaysan adeegga ama alaab, amaba xog ku saabsan labadooda mid kood, sababta ay taasi u dhacdayna waa fursadaha badan ee uu nasiiyo internetka gaar ahaan tignoolajiyadda, iyagoo si baahsan uga qayb-qaata korodhka dhaqaalaha.
Inaad yeelato website waxay la micno tahay in uu kordhayo fursadahaaga ku aadan helitaanka macaamiil badan waliba si degdeg ah, taa bedelkeeda website la’aantu waxay mararka qaar ama marar badani noqon kartaa caqabad hortaagan mashruuca la rabo in la fuilayo, maxaa yeelay wakhti xaadirkan wax walbaa ama wax walba badankoodu waa online.
Kacaankan xoogan ee aynu aragno ee ka dhanka ah internetka, wuxuu inuu sheegayaa yeelashada website in ay tahay lama huraan, maadaama website-ku ama guud ahaan internetku uu yahay habka ugu xoogan uguna wanaagsan ee lagu wada xidhiidho, laguna baran karo mashruucaaga.
Marka laga yimaado muhiimadda ay leedahay yeelashada website, waxaa wali jira dad dafirsan xaqiiqdan ama iska indha-tira, oo aan garaneyn faa’iidada ay ugu fadhido website-ku ama ay ugu fadhido mashruuciisa, waxaana qodobbada soo socda ku sharxi doonaa faa’iidooyinka ugu muhiimsan.
- In kharash yari lagu bilaabi karo
- In aanuu ganacsigu ama mashruucu ku koobnaan goob ama aag gaar ah
- In ay suurtagal tahay in la helo macaamiil badan isla hal wakhti
- In macaamiishu ay si fudud ula fal gali karaan alaabooyinka ama adeegyada aad ku soo badhi doonto goobtaada
- In uu mashruucaas jiri karo muddo badan
Qaybaha Aasaasiga Ah Ee Uu Ka Kooban Yahay Website-Ku
Website kastaa waxa uu ka kooban yahay 3 qaybood oo aasaasi ah, kuwaas oo kala ah:
- Domain
Ma jiro goob aan lahayn magac “domain name”, taas oo u sahlaysa qofka inuu soo booqdo goobtaada, goob kastaana waxay leedahay magac u gaar ah iyada, mana heli doonti labo goobood oo wadaaga isla hal magac.
- Web Hosting (Martigelin)
Website kastaa wuxuu u baahan yahay inuu soo daabaco qoraalo, sawiro, dukumentiyo, muuqaalo iyo faylal, Dhammaan walxahani waxa ay u baahan yihiin meel lagu kaydiyo, taas oo loo yaqaan Web Hosting.
- Nuxurka Websitek-Ka
Nuxurka Websitek-ka halkan, waxaa loola jeedaa dhammaan faylasha iyo xogta lagu soo bandhigi doono goobtaas, hadday yihiin codes, templates, ama aasaaska kale.
Isku Soo Wada Duub
Dhamaanteen Waynu Ka Dharagsan Nahay Muhiimadda Ay Leedahay Samaynta Website-yada, Ama Ay U Leedahay Ganacsiga Ama Mashruuca, Se Waxaa Inaga Dhiman Dhiiranaantii Aan Ku Bilaw Laheen Tillaabadeena Koowaad. (Isla Hadda Bilaw)
Shirkadeena Door Muhiim Ah Miyay Ku Leedahay Samaynta Website-Yada
Si kasta oo ay tahay sababta ka dambeysa samaynta website kuu gaar ah, waxaad ku sugan tahay goobta saxda ah ee aad ka heli karto dhamaan wixii aad uga baahnayd samaynta website xirfad leh (Bilaw ilaa dhamaad), oo kuu gaar ah ama u gaar ah ganacsigaaga.
Shirkadeena ka GELLE BASHIR Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.
Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.
Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?
Hadaynu nahay GELLE BASHIR, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir.
Sii Daalaco: Website Plans And Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada)
Leave a reply