Website Plans and Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada)
Moha
2 Comments
January 3, 2023
Website Plans and Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada)
Website-ku waxa uu ballaadhiyay suurtagalnimada ah in wax badan la gaadho, wuxuuna malaayiin fursadood u furay ganacsatada ama guud ahaan shakhsiyaadka caadiga ah, wuxuuna badalay hab-nololeedka dadka adduunka ku kala nool oo dhan, iyada oo dadku website-ka ay ku wada xidhiidhaan meel kasta oo ay joogaan, taas oo keentay in ay isbadalaan habka ay u socon jiraan ganacsiyada, hawlgallada, iyo xittaa wax-barashada.
Qiyaastii 4.33 bilyan isticmaale ayaa si firfircoon u isticmaala internetka, waxayna ku qaataan ku dhawaad lix saacadood iyo badh maalintii celcelis ahaan, internetku waa goob aad u wayn oo aan xadidnayn oo si xawli ah u fidaya, waxaana rubuci labaad ee sanadkan 2019 la diiwaan galiyay in ka badan saddex meelood meel oo u dhiganta 1 bilyan oo domain name ah. Qof kastaana waxa uu ku degdegayaa sidii uu boos uga heli lahaa internetka.
Nasiib Darro
Ganacsiyada Iyo Shirkadaha Qaarkood Ayaa Iska Indha Tira Muhiimada Ay Leedahay Samaynta Website U Gaar Ah Ganacsiga Ama Mashruuca, Iyagoo Luminaya Fursado Iyo Faa’iidooyin Badan Oo Laga Yaabo Inay Ka Faa’idaysan Lahaayeen, Hadii Ay Yeelan Lahaayeen Website.
Dhamaanteen waynu ka dharagsan nahay muhiimadda ay leedahay samaynta website-ka, ama ay u leedahay ganacsiga ama mashruuca, se waxaa inaga dhiman dhiiranaantii aan ku bilaw laheen tillaabadeena koowaad. (isla hadda bilaw)
Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada
1- BLOGGER WEBSITE
Blogger waa madal ay leedahay shirkadda google, qofkastana u ogolanaysa in uu si bilaasha ah u samaysto website daqiiqado gudahood, waana aalad lagu daabaco maqaallada iyo wargaysyada. Sidoo kale lagu soo badhigo muuqaaladda iyo sawirada, iwm.
Hawlaha hoos yimaada qaybtan
1 Year Domain
1 Year Hosting
Free Theme
Google Adsense Apply
7 Days Support
2- WORDPRESS WEBSITE
WordPress waa mid ka mid ah goobaha loogu isticmaalka badan yahay ee loo adeegsado samaynta iyo maareynta website-yada ama blog-yada, waxayna awood kuu siineysaa in aad samaysato nooc kasta oo website ama blog ee aad rabro, sidoo kale waxaad si fudud ku maamuli kartaa goobtaada, waxayna ku dhisan tahay luuqada caanka ah ee “php”. Waana barnaamij furan oo uu qofkasta soo dejjisan karo.
Wakhti xaadirkan, wordpress waa goobta loogu isticmaalka badan yahay marka ay noqoto samaynta website-yada ama blog-yada. Sida laga soo xigtay mareegaha caanka ku ah tirakoobyada website-yada ee w3techs, tirakoobka ayaa sheegaya in 43% dhamaan website-yada ku jira internetka lagu dhisay wordpress, taas oo macnaheedu tahay in ka badan saddex meelood meel ka mid ah website-yada internetka ay ku dhisan yihiin nidaamka wordpress. Si kale haddii aan kugu dhigo, 5tii website ee ku jira internetka 2 ka mid ahi waxa ay ku dhisan yihiin wordpress!
Brand maaha oo kaliya sumad, calaamad, astaan ama hadaan si kale u dhigno logo.
Haddaba maxay tahay brand ama calaamad? Maxaa noqon kara brand? Iyo muhiimada u ay leedahay ganacsiga? Waa su’aalo ay iswaydiiyaan dadbadani.
Waa Maxay Brand?
Si guud, waa astaanta ama calaamad ganacsi oo ku gaar ah shirkad ama ganacsi, oo kala saarta badeecadda ama adeegyadda shirkadda iyo badeecadaha ama adeegyada shirkadaha kale.
Marka la soo koobo, brand waa sida macmiilkaagu kuu arko.
Shirkadeena Ka GELLE BASHIR Ahaan, Waxaynu Ku Takhassusnay Samaynta, Qaabaynta Iyo Horumarinta Website-Yada, Haday Noqon Lahayd E-Commerce Website, Personal Website, Small Business Website, Portfolio Website, Blog Website, News Website, Educational Website, Event Website, IWM.
Sidoo Kale Shirkadeena Waxay Diyaar Kuula Tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga Soo Bilaabo Curinta Fikrad Wax Ku Ool Ah, Samaynteeda, Hirgalinteeda, Iyo Xittaa Suuq-Geynteeda, Ilaa Uu Ganacsigaagu Xaadir Ka Noqdo Internet-Ka, Wakhti Kastaana La Heli Karo.
Hana Iloobin In Ay Shikadeenu U Heelan Tahay Mar-Walba Caawimaadkaaga, Si Aad U Gaadho Hadafkaaga Ah, Madax-Bannaani Dhaqaale. Sidaa Darteed, Yaa Naga Mid Ah Oo Doonayya Inuu Gaaro Madax-Bannaani Dhaqaale?
Hadaynu Nahay GELLE BASHIR, Waxaynu Kuu Dhisaynaa Website Ka Midho Dhaliya Yoolalkaaga.
2 Replies to “Website Plans and Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada)”
Maasha Allah, waa arrin mudan in laga faa’iideysto, mahadsanid Gelle
[…] Sii Daalaco: Website Plans And Pricing (Xidhmooyinka Adeegyadeena Ku Aadan Samaynta Website-Yada) […]