Maqaalkan, waxaanu dib u eegis ku samayn doonaa noocyo kala duwan oo ka mid ah aaladaha lagu wanaajiyo SEO-ga, laakiin aan marka hore aynu in yar dib u milicsanno muhiimada ay u leedaha wanaajinta SEO-ga.
Waa Maxay Muhiimada Ay Leedahay Wanaajinta SEO?
Waxaa laga yaabaa inaad weli la yaaban tahay sababta SEO ay muhiim ugu tahay boggaaga internetka iyo hawlahaaga suuq-geyneed iyo ka caawinta korodhka booqdayaasha. Aan kuu sheego qodobo natusinya muhiimadda ay leedahay wanaajinta ama hagaajinta SEO-ga:
68% waayo-aragnimada ka dhex dhaca khadka tooska ah waxay ka bilowdaan Search Engine (makiinadaha raadinta).
Wanaajinta SEO-ga waa mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan waayo-aragnimo hor leh isla mar ahaantaana faa’iido leh.
Aaladaha aynu xusi doono waxaan u qaybinaynaa sida soo socota:
Raadinta ereyada furayaasha ah (keywords)
Suuqgeynta nuxurka (content marketing).
Farsamada
Dhisidda Isku xirayaasha (building links).
Waa Maxay Aaladaha Lagu Wanaajiyo SEO?
Aaladaha ama barnaamijyada aynu ka hadlayno waa barnaamijyo ka caawiya suuqgeeyayaasha inay wanaajiyaan muuqaalka website-kooda, iyagoo gacan ka gaysanaya ka soo muuqashada kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta sida Google, Bing, iyo Yahoo.
Aaladahan waxaa loo isticmaalaa in lagu fuliyo hawlo kala duwan, sida raadinta ereyada furayaasha ah, falanqaynta tartamayaasha, kor u qaadida bogga, falanqaynta backlinks, iyo qaar kaloo badan.
Waa aalado ama barnaamijyo kuu sahlaya ama kuu fudaydinaya inaad si fudud u aqoonsato ereyada furayaasha ah ee ugu faa’iidada badan iyo kuwa khuseeya boggaaga, aaladahana waxaa ka mid ah:
Aaladahani waxay faa’iido u leeyihiin in la ogaado fursadaha iyo la socodka horumarka, waana in la istcimaalaa iyada oo lala kaashanayo istaraatiijiyadda suuq-geynta guud.
3. Aaladaha Farsamada:
Waa aalado kuu ogolaanaysa inaad raadiso isla mar ahaantaana aad soo hesho dhibaatooyinka farsameed ee saamayn kara boggaaga, ama website-kaaga.
Waxay kaa caawinayaan si fudud oo habsami leh u dhisto isku xidhayaasha, isla mar ahaantaana aad la socoto.
Shaki kuma jiro in qof kastaa uu rabo inuu ka soo muuqdo kaalmaha koowaad ee natiijooyinka raadinta Google, waxaana jirta sababo suurtagalinaysa midatan.
Dabcan qof kastaa wuu ogyahay in joogitaanka kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta Google ay ka dhigan tahay, inaad heli doonto booqashooyin badan oo badan, isla mar ahaantaana aad heli doonto dakhli badan.
Ka soo muuqashada kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta google ayaa ah mid ka mid ah waxyaalaha ugu muhiimsan ee kordhiya dakhliga.
shirkadaha iyo mashaariicda online-ka ah, waxay aad u daneeyaan inay kaalmaha hore kaga jiraan natiijooyinka raadinta Google, waana waxa nagu dhaliyay inaan bixinno adeeg ku magacaaban SEO.
Haddaba, ma wanaajin kartaa natiijooyinka raadintaaada ee ku aadan Google?
Dabcan haa, adigoo u maraya Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERVICES, taasoo si fiican u og faa’iidooyinka uu leeyahay SEO-ga, inagoo had iyo jeer ku dadaalayna inaan bixinno adeegyada SEO-ga ugu wanaagsan, si aan goob katsa uga dhigno mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.
Waxaana marag iyo tusaale kaaga filan, weedhan ah “Somali E-Commerce Course” hadii aad google ku qorto waxaa kaalinta koowaad ku jira website-keena, sidaa si la mid ah ayaad adiguna u awoodaa inaad kaalmaha hore ka soo muuqato, adigoo dabcan u maraya shirkadeena.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.
3 Replies to “Aaladah Lagu Wanaajiyo SEO-Ga”
Usame Kayse
Sep 15, 2023
Ustaad muuqaal noog soo samee JVZoo qaabka looga shaqaysto mahadsanid
3 Replies to “Aaladah Lagu Wanaajiyo SEO-Ga”
Ustaad muuqaal noog soo samee JVZoo qaabka looga shaqaysto mahadsanid
thanks wll
[…] Sii Daalaco: Aaladah Lagu Wanaajiyo SEO-ga […]