Waxaa laga yaabaa inaad weli la yaaban tahay sababta SEO ay muhiim ugu tahay boggaaga internetka iyo hawlaha suuq-geynta iyo ka caawinta korodhka booqdayaasha. Aan kuu sheego qodobo na yusinya muhiimadda ay leedahay wanaajinta ama hagaajinta SEO:
68% waayo-aragnimada ka dhex dhaca khadka tooska ah waxay ka bilowdaan Search Engine makiinadaha raadinta
93% booqdayaasha caalamiga ahi waxay ka yimaadaa Google Search, Google Photo, iyo Google Map.
Wanaajinta (SEO), waxay ka dhigan tahay kordhka tirada iyo tayada booqdayaasha website-ka, iyada oo loo marayo Search Engine-nada waaweyn sida Google, Bing iyo Yahoo. Wanaajinta SEO waa mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha.
Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan qiimo. kooda.
4 Tallaabo Oo Aad Ku Wanaajin Karto SEO-Ga Website-Kaaga
Erayada Furaha (Keyword)
Erayada furaha (Keyword) waxay noqon karaan kuwo lagama maarmaan u ah dhisidda iyo wanaajinta SEO-ga boggaaga ama guud ahaan website-kaaga, iskuna day inaad ogaato xogaha udub dhexaadka u ah nuxurkaaga.
Tusaale ahaan, haddii aad bixiso cunto gaar ah sida cuntada bisadda, ama eyda, waxaad u baahan tahay inaad ka hadasho mawduucyo kala duwan oo la xidhiidha adeeggan aad bixinayso sida faa’iidadeeda, baahiyaha ay buuxinayso, waxa ay la dheertaya cuntooyinka kale, iyo sida ay si fudud ugu heli lahaayeen adeegan dadka.
Si aad u falanqayso ereyada furaha (Keyword), waxaad isticmaali kartaa Google Ads, waxay leedahay nidaam kaa caawinaysaa qorshaynta ereyada furaha iyo weedhaha caadiga ah ee isticmaalayaashu raadiyaan si ay u helaan rabitaanadooda kala duwan.
Eeg Tartamayaashaada
Ma rabtaa inaad tartamayaashaada ka sare marto? Waa hagaag si aad taas u sameyso, waxaad u baahan tahay inaad ku jirto bogga koowaad ee natiijooyinka raadinta Google. Waxaadna u baahan tahay inaad ogaato waxa tartamayaashaada soo gaarsiiyay heerkan, iyo sida ay ku gaadheen.
Isku day inaad samayso waxa ay sameeyaan, laakiin se ka dheeroow ku daba-dayashada aan habboonayn. Falanqaynta tartamayaashaadu waxay noqon kartaa doorasho wanaagsan oo aad ku ogaanayso waxa kugu soo wajjahan iyo tallaabooyinka xiga ee aad qaadi karto.
Samayso Blog, Si Joogto Ahna Wax Ugu Daabac
Daryeelida isticmaalayaashaada iyo dadwaynahaada iyo in aad xog cusub ku kodhidid waa shay wanaagsan. Siinta macaamiishaada macluumaadka ay u baahan yihiin, adigoo kula wadaagaya blog-gaaga waxay wax ka-bedel ku samayn kartaa mashruucaaga guud ahaan.
Samaynta nuxur (oo joogto ah) wakhti xaadirkan waxay tahay il aan laga maarmayn, macaamiisha qaarna waxay jeclaystaan inay internetka wax ka akhriyaan, taasoo kordhin karta wacyiga boggaaga.
Wanaaji On-Page SEO
Wanaajinta SEO-ga gudaha waa tallaabo aad muhiim ugu ah bogga. Waxaad u baahan tahay inaad hubiso in goobtaadu ay leedahay Links-yo gudaha ah (oo maqaalba maqaalka isaga la xidhiidha la-la xidhiidhiyo) taasoo isticmaalaha u ogolaanaysa in ay in muddo ah ku sii jiraan website-kaaga, waana waxa uu taageero Google kana hormariyo boggag kale ee aan badanka lahayn Links-yo gudaha ah oo la xidhiidha isla maqaalka ama isla mawduuca.
Tallaabooyinkani waxay kaa caawin doonaan inaad bilowdo wanaainta SEO boggaaga. Midna Xusuusnow, ma wada xallin kartid dhammaan isla hal mar, laakiin samayntooda waxa kuu muuqan doonaan marba marka ka danbaysa.
One Reply to “Intee In Le’eg Ayay Muhiim Tahay Wanaajinta SEO?”
[…] Sii Daalaco: Intee In Le’eg Ayay Muhiim Tahay SEO? […]