Website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 Qof Oo Booqdayaal Ah
Moha
5 Comments
November 15, 2023
Website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 Qof Oo Booqdayaal Ah
Waxaan filayaa in saaxiibo badan ay si weyn u danaynayaan muwduucan, oo ay rabaan inay website-kooda u helaan booqdayaal badan, hasa yeeshee aysan garanayn meel ay wax ka bilaabaan iyo sida ya wax u bilaabaan.
Sideed website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 qof oo Booqdayaal Ah oo dhab ah?
Waad awoodaa inaad website-kaaga maalin kasta u hesho 1,000 qof oo booqdayaal ah, adigoo u maraya qodobadan soo socda:
Ku takhasusay ama ku gaar noqo hal nuxur (One Nich) oo kaliya, oo bilow inaad nuxurkaa wax ka qorto.
Baro aasaaska SEO.
Maskaxdaada ku hay ereyada muhiimka ah ee ku habboon nuxurkaaga marka aad qorayso maqaalada.
Beegso dadwaynahaaga iyo daawadayaashaadaba, kuwaasooy u badan tahay inay macluumaadkaaga la wadaagaan dadka kale.
Xubin ka noqo group-yada ay dadwaynahaagu ku jiraan, isla mar ahaantaana la fal-gal.
Isticmaal oo adeegso Twitter-ka, Facebook-ga, iyo Instagram-ka, iyo goob kasta oo aad dadwaynahaaga ka heli karto, si aad xaggaa ugu la wadaagto maqaalada cusub ee aad soo daabacayso.
Ku lifaaq maqaaladaada, maqaalkasta oo la xidhiidha
La fal-gal faallooyinka laga bixiyo maqaaladaada
La soco wax kasta oo ku cusub nuxurkaaga, isla mar ahaantaana wax ka qor mawduucyada xaasaasiga ah ee taagan
Dabcan, way kuu fududahay inaad yeelato blog/website, hasa yeehsee way adagtahay inaad yeelato blog/website guul leh kaasoo soo jiidata booqdayaal badan oo bartilmaameedsan.
U helidda website-kaaga booqdayaal badan waxaa door muhiim ah ka ciyaaraya wanaajinta SEO-ga website-kaaga waana mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan waayo-aragnimo hor leh isla mar ahaantaana faa’iido leh.
Shirkadaha iyo mashaariicda online-ka ah, waxay aad u daneeyaan inay kaalmaha hore kaga jiraan natiijooyinka raadinta Google, waana waxa nagu dhaliyay inaan bixinno adeeg ku magacaaban SEO.
Sida sawirkan hoose ku xusan, waa weedh ah “SOMALI E-COMMERCE COURSE” weedhan hadii aad ku google-ka ku qorto waxaa kaalinta koowaad ee natiijooyinka raadinta google ku jira website-keena.
Wanaajitna (SEO) waxay website-kaaga ka caawinaysa inuu ka soo muuqdo kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta Google ama search engine-nada kale sida Bing, Yahoo, iwm, taasoo kordhin doonta tirada booqdayaasha website-kaaga.
Haddaba, ma wanaajin kartaa natiijooyinka raadintaaada ee ku aadan Google?
Dabcan haa, adigoo u maraya Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERVICES, taasoo si fiican u og faa’iidooyinka uu leeyahay SEO-ga, inagoo had iyo jeer ku dadaalayna inaan bixinno adeegyada SEO-ga ugu wanaagsan, si aan goob katsa uga dhigno mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.
5 Replies to “Website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 Qof Oo Booqdayaal Ah”
5 Replies to “Website-kaaga Maalin Kasta U Hel 1,000 Qof Oo Booqdayaal Ah”
444
Waxbadan ban tagera wepsetka
thanks wll
Zxp geelle blogger cusub ban ahay
soo dhowow wlle