4 Siyaabood Oo Aad Lacagtaada Ku Kaydsan Karto, Adigoon Noloshaada Hoos U Dhigin
Wakhti xaadirkan in lacag la kaydsao waxay u muuqataa mid adag, maadaama mushaharkii la qaadanayay uu si tartiib tartiib ah u kordhayo (amaba uusan kordhayn), kharashaadka maalinlaha ahna uu ka badan yahay sidii hore.
Dadka badankiisu riyada ah inay lacag kaydsadaa waxay u noqotay mid fog, halka dadka qaar kalena ay aaminsan yihiin in kaydtinta lacagta mustaqbalka si hadhoow loogu iibsado guryo iyo gawaadhi ay tahay ama ay la micno tahay inaad ku noolaato nolol hoose, iyo inaad xidhiidhada u goyso asxaabtaada, iyo qaraabadaadaba. (Laakiin tani waa mid ka fog xaqiiqda).
Maqaalkan waxaan ka soo xiganay qoraaga, “William Jolly“, oo uu nooga warramayo waayo-aragnimada uu u leeyahay mas’uuliyadda baahiyihiisa iyo tan qoyskiisa isagoo ilaalinaya farxadda noloshiisa.
Akhriste waxaad weli kaydin kartaa lacagtaada, ood noqon kartaa masuul dhaqaale, adigoo waliba faraxsan isla mar ahaantaana lumin xidhiidhada asxaabtaada, waxayna lacag kaydinta ku salaysan tahay helitaanka dheelatir saxan.
Halkan Waxaa Ah 5 Siyaabood Oo Aad Lacagtaada Ku Kaydsan Karto, Adigoon Noloshaada Hoos U Dhigin:
1. Dib Isugu Noqo:
Intee jeer ayaad hubisaa akoonkaaga bangiga? Waxaa laga yaabaa inaad sannad walba lacagtaada ku bixiso rabitaanadaada iyo waxyaabaha aan muhiimka ahayn, ama aanad si dhab ah ugu baahnayn.
Tusaale ahaan, qoraagu wuxuu leeyahay “waxaan wakhti kadib ogaaday inaan bixin jiray $12 bishii anigoo ku rukuman jiray joornaal kaasoo iman jiray gurigaygii hore”.
U guur bandhiyada internetka, joojina inaad lacagtaada ku bixiso dhammaan waxyaabaha aan wax qiimo ah kuu keenin, taasina waxay ina gaadhsiinaysaa barta xigta.
2. Lacagtaada U Keydso Waxyaabaha Muhiimka Ah:
Haddii aad rabto inaad wax kaydsato, maaha inaad samayso liis xaashi oo ka kooban 1,000 saf, si aad u diiwaangeliso dhammaan kharashaadkaaga, ama aad noqoto mid aad u liita oo aad ku khasbanaato inaad dib u warshadaynayso ama dib u xaraashto waxyaabaha gurigaaga yaal.
Taas micnaheedu ma aha inaadan dhimayn waxyaabaha kaaga baxa kharashaadkaaga, waxaadna hubaal ahaan kartaa mid iska dhaafa gadashada kafeega maalin kasta (waa hadii aad tahay mid maalin katsa iibsada kafeega (Coffee), taasoo si fudud kuu kaydin karta lacago badan.
3. Ka Takhalus Kaararkaaga Deynta Ah:
Haddii ay kugu adag tahay inaad lacag kaydsato oo aad weli haysato kaarka deynta, iska saar oo ka takhalus.
Celcelis ahaan, qoysaska maraykanku waxaa kaarka daynta lagaga leeyahay qiyaastii $5,700, bixinta deyntan waxay qaadan kartaa qayb weyn oo ka mid ah miisaaniyaddaada; Markaa ka takhalus dhamaan kaararkaaga daynta ah, oo mudnaanta sii bixi deyntaas.
4. Jooji Iibsashada Waxyaabaha Aan Qiimaha Lahayn:
Haddii aad jeceshahay daawashada filimada ama ciyaaraha tusaale ahaan, si kastaba iskugu day, inaad iibsto kombuyuutar ama nidaam kuu soo gudbiya maqalka iyo muuqaalkaba, bedelkii aad goosan lahayd tiginka ciyaarta ama tigidhka filimka, oo dabcan kugu kallifi doona kharash badan.
Laakin ha ku degmin iibsashada waxyaabaha aad mar kaliya isticmaali doontid iyo waxyaabaha aad marar badan isticmaali doontid.
Caydaruus saalax
Mnshalh horumar wacan
Gelle Bashir
thanks wll
Marwaan Maxamed
Thnks bro
Gelle Bashir
welcome wll
Superman
Masha allh
Maxamed
Sare
Maxamed
1aad
Maxamed
2aad
Mohamed
M.A mahadsanid walle
Gelle Bashir
u r welcome wll